War Deg Deg Ah: Qarax Gilgilay Maxkamada Gobolka Banaadir Iyo Rasaas Gudaha Ka Dhacaysa.

0

breaking_news-620x3301Muqdisho (AGGM): Sida uu kusoo waramayo Wariyaheena Magaalada Muqdisho Qaraxyo ismiidaamin ah ayaa goor dhow waxa ay ka dhaceen xarunta Maxkamada Gobolka Banaadir ee degmada Xamar weyne, iyadoo sidoo kale ay halkaasi ka socdaan rasaas xoogan oo gudaha xarunta ku dhex maraya koox gudaha u gashay iyo Ciidamada Dowlada.

Qaraxyada ayaa laga maqlay gudaha iyo banaanka xarunta Maxkamada, iyadoo la sheegayo in rag kale oo hubeysan gudaha Xarunta ay ku jiraan.

Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Cismaan oo isagoo goobtaasi ku sugan warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in koox ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen xarunta maxkamada gobolka kuwaasoo uu sheegay in qaarkood ay isqarxiyeen, qaar kalena weli ay ku jiraan gudaha maxkamada iyagoo hubeysan.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowlada oo halkaas gaaray ay isku gedaameen xarunta maxkamada gobolka banaadir, iyadoo la sheegay in qaar ka mid ah ciidamada ay gudaha u galeen xaruntaas ayna la dagaalamayaan kooxo hubeysan oo maxkamada gudaheeda galay.

Xaalada goobtaas ayaa cakiran, waxaana la maqlayaa rasaas iyo qaraxyo waaweyn oo ka dhacaya gudaha iyo hareeraha xarunta maxkamada gobolka Banaadir, iyadoo ay goobta gaareen gaadiidka Ambulance ah oo halkaas ka daad gureynaya dad aan tiradooda la ogeyn oo ku dhintay kuna dhaawacmay qaraxyada iyo weerarka halkaas ka dhacay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com