War Deg Deg Ah: Ciidamadi Dowladda Ee Magaalada Kismaayo Oo La Wareegay Dekeda, Garoonka Iyo Qeeybo Kamid Ah Magaalada.

0

breaking_news-620x3301Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada dowladda ay gabi ahaan la wareegeen Garoonka diyaaradaha, Dekeda iyo qeeybo badan oo kamid ah magaalada Kismaayo.

Ciidamadan dowladda ayaa ah ciidamadi ay soo tababartay Kenya waxa ayna qeeyb ka ahaayeen ciidamadi Al Shabaab kala wareegay magaalada Kismaayo.

Shabakada Allgalgaduud Media oo xiriir la sameeysay mid kamid ah saraakiisha horkacaya ciidamadan ayaa waxa uu inoo xaqiijiyay in ay la wareegeen goobaha ugu muhiimsanaa magaalada kismaayo isagoo inoo raaciyay in ciidamada dhaqaalahoodi lagu tagri falay bilihi la soo dhaafayna aysan helein mushaaradoodi iyo daryeelki ay ciidamadu xaqa u lahaayeen.

“Adeerow lacagti mushaaraadka ahayd ee ciidamadan xaqa ay u lahaayeen niman baa jeebka ku shubtay waxa ayna doonayaan inay dooroshooyin ku galaan iyada oo ay ciidamadu mushaarooyin iyo wax daryeel ah heysan, taasina caqliga wax galaya ma ahan, ciidamada dhulka difaaciisa waa ay u soo dhinteen, kuwana waa ay usoo dhaawacmeen, kuwana waa joogaanoo waa kuwan ka gadooday takri falka lagu hayo, waxaan baaq u direynaa dowladda Soomaaliya in ay nimankan burcada ah naga qabato ama ay nagu fasaxaan” waa sida uu u yiri hadalka’e.

Dhinaca kale waxaa naloo xaqiijiyay in maareeyihi dekeda in ay ciidamadu garaaceen, islamarkaana gaarigiisi xaraga ee uu watayna ay burburiyeen, sidoo kale waxaa aad u yaraaday isu socodka gaadiidka magaalada madaama ay ciidamada meel walba dhigteen ciidamo raxan raxan ah oo aad u hubeysan.

Illaa hadda ma ay jiraan cid isku dayday inay xaliso khilaafka ba’an ee soo kala dhexgalay  saraakiisha ciidamada Dowladda iyo horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Shalay ayay ahayd marki wafdi ka socda IGAD markuu gaaray magaalada Kismaayo iyagoo ku wargaliyay horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni inay u hogaansamaa awaamiirta dowladda Soomaaliya iyo dastuurka dalka u yaal, waxaa kaloo lagu wargaliyay inay albaabada u laabaan hoolka shirka oo dhawaahanba uusan ka socon wax shir ah.

Isku soo wada duuboo ciidamada dowladda ayaa waxa ay aad uga caroodeen in mushaarada aan la siin halka maleeshiyo beeleedka Raaskambooni la siiyo mushaaradooda, horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa waxa ay ku fashilmeen gabi ahana qoryaashi ay wateen kadib marki dhawaanahanba ay soo shaac baxayeen  foowdada iyo takri falka ka taagan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose .

Waxii ka soo kordha wararka magaalada Kismaayo Kala Soco Allgalgaduud Media.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com