Tacsi Qaran: Marwada Kowaad Oo Tacsi Ka Direysa Geerida Ku Timid Marxuumad Muraayo Garaad Axmed.

0

muraayadINAA LILAAHI WAA INAA ILEYHI RAAJICUUN, Waxaa tacsi diraya Marwada kowaad ee madaxweynaha dowlada federaalka Somalia Marwo Qamar Cali Cumar.

Waxay tacsi udiraysaa dhamaan umada somaliyeed gaar ahan eheladii iyo qarabadii ay kageeriyootay Marwo Muraayo Garaad Axmad, Gudoomiyihii hore ee ururka Haweenka somaliyeed.

Marwo Qamar waxa ay war naxdin leh ku tilmaantay geridii kutimid marwo Muraayo iyado tilmamtay in ay marwo Muraayo Garaad aheed shaqsi dadaal dheer usoo galay horumarka dalka iyo dadka Somaliyeed gaar ahaan haweenka iyadoo ah shaqsi qiimo wayn ugu fadhiyay bulshada Somaliyeed.

Ugu danbeeyn waxay Marwada madaxweynaha qaranka Marwo Qamar Cali Cumar urajeesay marxuumada in ilahay janadii fardowsa kawaarabiyo umada Somaliyeed,ehaladii iyo qarabadii ay kabaxdana samir iyo imaan kasiiyo. Aamiin Aamiin Aamiin

muraayad garaad1
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com