Magaalada Kismaayo Oo Ay Ku Tartamayaan Run Iyo Been.

0

kismaayo2Akhristoow sida aad la socotaan waxaa dhawaanahan ka socday magaalada Kismaayo shir lagu sheegay in lagu yagleelayo maamul goboleed cusub oo la magac baxay Jubbaland State Of Somalia, shirkan oo leeysugu keenay inta dhuunta wax ka maqla iyo inyaroo dhagaha wax ka maqla.

Gabi ahaan waxaa joogsaday 5 cisho ka hor shirki lagu sheegay in lagu yagleelayo maamulka cusub waxaana albaabada leeysugu dhuftay hoolki uu ka socday shirkaasi.

Shalay ayay ahayd marki ay magaalada Kismaayo gaareen wafdi ka socda ururka IGAD waxa ayna kulamo la qaateen horjoogeyaasha iyo teegeerayaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni oo ay kamid ahaayeen, Axmed Madoobe, Proff.Gaandi iyo R/wasaarihi hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid.

Kulanka dhexmaray mas’uuliyiinta ka socday IGAD iyo horjoogeyaasha iyo teegeerayaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa waxaa loogu sheegay “ururka IGAD inuusan aqbaleeyn,kuna lug yeelanayn wax alle waxii wax u dhimaya Qarannimada Soomaaliya, maadama ay Soomaaliya xubin ka tahay ururka IGAD.

Horjoogeyaasha iyo teegeerayaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa waxaa lagu wargaliyay gabi ahaan inay joojiyaan shirka ku saabsan mamaul u sameeynta una badalaan shir dib u heshiisiin ah islamarkaana waxii wada tashi ah iyo qaabka wax lagu wadayo inay ulla laabtaan dowladda Soomaaliya, dowladda Soomaaliyana ay awood u leedahay loogana dambeenayo maamul usameenta gobolada dalkeeda.

Waxaa si cad loogu sheegay horjoogeyaasha iyo teegeerayaasha maleeshiyo beeledka Raaskambooni inay u hogaansamaan awaamiirta dowladda Soomaaliya,dowladduna ay tahay mida kaliya ee looga dambeenayo wax alle waxii quseeya dalka Soomaaliya.

Isku soo wada duuboo magaalada Kismaayo ayaa waxa ay u muuqata mid ay ku tartamayaan Run iyo Been, sida xaqiiqada ah qof walbaa waa uu garan karaa marki ay tartamaan Run iyo Been midka guuleeysanaya,  balse waxaanu dhoowrnaaba waa sida wax u socdaan todobaadyada inagu soo food leh.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com