7 Qodob Oo Lagu Heshiiyay Shirka Anakara Ee Soomaaliya Iyo Somaliland.

0

Somali-and-Somaliland-2Ankara (AGGM): Fiidnimadii hore ee caawa waxaa magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga lagusoo gebagebeeyey wadahadallo maalmahan halkaasi uga soconayey wufuud ka kala socotay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka walaalaha waqooyi Galbeed Soomaaliya ee Somaliland ayadoo wadahadalladaasina lagasoo saaray warmurtiyeed ay ku cadahay in labada dhinac ay kala saxiixdeen heshiis ka kooban Todobo qodob.

Warmurtiyeedka ayaa lagu muujiyey in wadahadallada maalmahan ka socday Dalka Turkiga islamarkaana ay garwadeenka ka heyd dowladda aynu walaalaha nahay ee Turkiga ay daba socdaan wadahadalladii horey uga dhacay magaalooyinka London iyo Dubai ee labada dhinac u dhaxeeyey.

Hadaba Warmurtiyeedkaasi lagu muujiyey heshiiska ay labada dhinac kala saxiixdeen ayaa waxa uu u qornaa sida:-

1.In labada dhinacba ay awoodda saaraan sidi ay u so wadi lahaayeen wada hadallada

2.In la taageero qodobadii lagu heshiiyay 21 June 2012 shirkii ka dhacay Chevening House London iyo qoraalladii la kala saxiixday 28kii June 2012 shirkii ka dhacay Dubia.

3.Wada hadalladu waxa ay dhex marayaan dawladda Federaaka Soomaaliya iyo Somaliland Beesha caalamka waa inay ka shaqaysaa fududaynta wada hadallada markii loo baahdo.

4.In la dhiiri galiyo fududaynta kaalmada beesha Caalamka iyo horumarinta ay Somaliland helayso.

5.Inay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo arrimaha  ammanka iyada oo la is dhaafsanayo xogaha qarsoon ee la helo, Tababarada iyo sidoo kale deeqaha waxbarashada qaabka loo qaybsado, si ay u hir gasho la dagaalanka Argagixisada, Xagjirnimada, Kaluumaysiga Sharci darrada ah, Burcad badeedda, Dambiyada ka dhaca badaha caalamiga iyo Dambiyada waawayn.

6.Waxaa lagu heshiiyay in la qabto kulan kale muddo 90 cisho gudahood ah wakhtiga ugu haboon ee labada dhinac isku raacaan.

7.Waxaa lagu heshiiyay in la iska ilaaliyo adeegsida luuqad iyo ficil kasta oo keeni kara in khatari ku timaado in wada hadalladu ay sii socdaan,

Heshiiskaan dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa u saxiixay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed halka uu dhanka maamulka Somalilandna u saxiixay wasiirkooda arrimaha Dibadda Mudane Mohamed A. Omar.

Heshiiska-Ankara

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com