Soomaaliya Maantay Ma Joogto Wati Siyaasad Lagu Xifaaltamo Ama Kursi, Laakiin Waxaay U Baahan Tahay Badbaado Qarannimo.W/Q. Dr. Daahir Nuur Jaamac (Dr. Truman).

0

MaqaalWaxaan aaminsanahay in maantay aysan wanaagsaneyn in lagu tartamo siyaasad iyo kursi,laakiin soomaaliya waxaay u baahan tahay badbaado”qarannimo”waayo qofka leh damiir soomaalinimo marka la fiiriyo dhibaatada ummadda soomaaliyeed ku soo jirtey muddo ka badan 22 sano in weli ay dad ku fekerayaan haddii ay danahooda gaarka ah iska waayaan masraxa siyaasadda soomaaliya iney isbaaro siyaasadeed u dhigtaan shacabka soomaaliyeed ee dhibaateysan.Ma ahan wax la aqbali karo in markasta oo daaqadda naacoowdu u furanto ummadda soomaaliyeed in ay soo baxaan isbaaralooy cusub oo siyaasadeed iyagoo doonaya iney hakiyaan ama afduubaan wax kasta oo wanaag ah oo looga soo kabanayo dhibaatada daashatey shacabka soomaaliyeed.

Haddaba su’aasha is weydiinta leh waxaay tahay,maxaa sababay in dhibaatada soomaaliya xal waara laga gaari muddo dheer ama waqti dheer,dunida way ka dhacaan dagaalo sokeeeye “civil war”waxaana laga gaaraa xal si ka sahlan mushkulidda soomaaliya ka jirta,isla markaana ummadda soomaaliyeed waa dad isku diin, isku dhaqan , isku af ama luuqad,haddana is dhalay ama”dhalyo wadaag ah”.Haddaba waxaan doonayaa inaan halgaan ku caddeeyo soomaaliya dhibaatada ka jirta ama ka dhacday waxaa masuuliyaddeeda dusha ku qaadanaya shaqsiyaad qaswadayaal ah oo qabyaaladdu madax martay isla markaana doonaya iney qabiil wax ku noqdaan iyagoo isku arkay ineysan marnaba ka maarmin iney qabyaalad adeegsadaan si ay wax ugu noqdaan.
Waxaad marar badan maqleysaa in dadka soomaaliyeed loo sameeyey dib u heshiisiin,welina waxaad maqleysaa in dadka soomaaliyeed u baahan yihiin dib u heshiin, taas ma tahay arrin xaqiiqo ku dhisan,jawaabtu waa maya, waayo waqti xaadirka la joogo miyey jiraan shacab soomaaliyeed oo  dagaalo u dhaxeeyaan, haddii ayse jiraan ma ciidamo ayaa la dhex dhigey oo kala ilaaliya,jawaabtu waa maya,Gaariga ka taga gedo wuxuu gaaraa Hargeysa asagoon la kulmin wax dhibaato ah haba yaraatee. Taas waxaay caddeyn u tahay ineysan jirin shacab soomaaliyeed oo is dagaalay ama weli is dagaalsan,waxa dabka dagaalka shidayey waxaay ahaayeen dagaal oogayaal hab qabiil wax ku doonayey welina ku doonaya, ilaa kuwaas meel la saaro dadkuna lagu wacdi geliyo in dadka qabyaaladdu madax martay iney iska qabtaan waayo waxaay liddi-ku yihiin mustaqbalkooda waana cadowgooda koowaad.Kuwaan liita waxaay doonayaan iney iibsadaan”dalka,diinta iyo dadkaba”.Waxaayna geed dheer iyo geed gaaban u fuleen iney isticmaalaan qabiil ay ku awrkacsanayaan si ay danahooda shaqsiyeed u gaaraan isla markaana ma doonayaan in dib loo soo celiyo”qarannimadii,karaamadii iyo sharaftii” ummaddu laheyd.
Isku soo wada duub waqtiga la joogo waa ka duwan yahay waqtiyadii xanuunka badnaa ee dadka iyo dalkuba ay  soo mareen,islamarkaana weli ay jirto dhibaatadii foosha xumeyd ee dulleysey shacabka soomaaliyeed, maantay waxaa jira dowlad sharciyan la aqoonsan yahay sidaa awgeed waxaa loo baahan yahay in dowladda la taageero lana garab istaago, waayo dhibaatadaan waxaa looga bixi karaa dowladnimo iney ka hana qaaddo waddankeena, dowladdiina hadda way jirtaa iyada ha lagu dabafeylo iyadaa lagu daawoobi karaa dhibaatadana looga bixi karaa.
 
W/Q:  Dr. Dahir Nur Jama ( Dr Truma)
jama191@hotmail.co.uk

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com