Saraakiisha Sare Ee Ciidamada Xooga Dalka Oo Ku Hanjabay Inay Falaagada Al Shabab Tir-Tiri Doonaan.

0

TALIYEYAASHA CIIDANKAMuqdisho (AGGM):Iyadoo maanta ay ku astaysan tahay 12 April oo ah maalinta loo aqoonsaday maalina ciidanka xoogga dalka soomaaliya ayaa taliyaha ciidamada xoogga dalka soomaaliyeed Daahir Cilmi Nuur (Indho-qarshe) oo waraysi gaar ah siiyay warbaahinta waxaa uu sheegay in ciidamada xoooga dalka soomaaliya ay haatan qorshaynayaan sidii ay ula wareegi lahaayeen qaybaha ay ka taliyaan xarakada Alshabab inay arinkaasi isku diyaariyeen.

Gen. Daahir Cilmi Nuur (Indho-qarshe) ciidamada xoogga dalka soomaaliyeed ayaa waxaa uu sheegay in talaabada ugu horaysa ay noqon doono la wareegi taanka deegaanada ay haatan ka arimiyaan  ururka Al shabaab oo dagaal kula jirta ciidamada Dawladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM .

Indho-qarshe taliya ciidamada xooga dalka ayaa tilmaamay inay jiraan dad la sheegay inay qorshaynayaan inay weeraro iyo qaraxyo ka gaystaan magaalada Muqdisho,balse ciidamada xooga dalku ay ka hor tagi doonan  guud ahaan meelaha lala damacsan tahay oo ay ka mid tahay caasimada dalka.

Maanta waxay ku beegan tahay 12-april waana maalintii loo asteeyay maalinta ciiidamada xoogga dalka soomaaliya waxaana maanta oo kale la arki jiray  awooda iyo cududa ay leeyihiin,wixii ka horeeyay burburkii dalka  waxaana la sheegay in Dawladda Soomaaliya ay soo martay xili ay ahayd wadamada ugu awooda badan qaaramada afrika dhinaca ciidamada.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com