Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Oo Hambalyo U Diray Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

0

saacid44Bujumbura (AGGM): Ra’iisal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo haatan booqasho shaqo ku jooga magaalada Bujumbura ee dalka Burundi ayaa hambalyo diiran u diray ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, munaasabada sanad guurada 53-aad ee aas aaska ciidanka xoogga dalka.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa ugu hambalyeeyey ciidanka xoogga dalka dadaalkooda iyo naf hurista ay ugu jiraan difaaca iyo xasilinta dalkooda. Xilli lagu jiro marxalad adag, isaga oo kula dardaarmay in aysan ka daalin waajibaadkooda Qaran  iyo xoreynta caddowga.

“Sababta aan u joogo halkan (Burundi), waxay qeyb ka tahay dib u dhiska iyo tayeynta ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliyeed, waxaana ku boorinayaa ciidanka xoogga dalka inay sii laban laabaan dadaalkooda ay uga xoreynayaan dalka kooxaha argagixisada” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Saacid oo alle uga baryay in intii dhimatay alle u dambi dhaafo, inta dhaawaca ahna bogsiiyo.

Ugu dambeyntiina, Wasiirka Gaashaandhigga Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Faqi oo ka mid ah wafdiga Ra’iisal Waasaaraha ayaa isna hambalyo midan la mid ah u diray ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed isaga oo ugu hambalyeeyey munaasabada 53 guurada ka soo wareegatay aas aaska ciidanka xoogga.

Garad Salad Hersi
Press officer, PM office
Bujumbura, Burundi
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com