Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari Oo Muqdisho Ku Soo Laabtey.*Daawo Sawirada*

0

gaw1Muqdisho (AGGM): Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo socdaal shaqo ugu maqnaa dalka Norway ayaa saakay dib ugusoo laabtay dalka ayadoo dhanka kalena uu Gudoomiyaha ka warbixiyey safarkiisa.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa kasoo degay garoonka diyaaradaha abaare Sideedii Subaxnimo waxaana garoonka kusoo dhaweeyey xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda oo uu hogaaminayey Gudoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Golaha Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo markii uu kusoo laabtay dalka kadib shirjaraa’id u qabtay Saxaafadda ayaa faah faahin ka bixiyey safarkiisii shaqo iyo waxyaabihii usoo qabsoomay waxaana uu tilmaamayin wafdi uu hogaaminayo ay socdaal shaqo ku tageen magaalada Oslo ee caasimadda dalka Norway kadib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay dowladda Norway islamarkaana mudadii halkaasi uu joogay kulammo kala gedisay lasoo yeeshay madaxda dalkaasi.

“safarka aan ku aaday Norway waxa aan aheyn wafdi ballaaran oo waxaa i wehliyey gudoomiyeyaasha gudiyada joogtada ah oo ilaa hada halkaasi shaqo ugu maqan, ujeedaduna waxey aheyd inaan mataaneyno baarlamaannada Soomaaliya iyo Norway si aan u yeelanno wada shaqeyn joogta ah islamarkaana aan qibradaha isdhaafsano oo aan ka kororsano
waxa ay na dheeryihiin”ayuu ku bilaabay Gudoomiyaha Baarlamaanka Shirkiisa Jaraa’id.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in dhammaanba qodobadii ay ka wada hadleen madaxda Dowladda Norway la isku afgartay islamarkaana ay kulammadiisa kusoo dhamaadeen guullo la taaban karo islamarkaana qodobada natiijada ah la horkeeni doono Baarlamaanka .

Dhinaca kale Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa tilmaamay in madaxda dowladda Norway uu kalasoo hadlay dhibaatooyin ay cabashooyinkooda usoo gudbiyeen Jaalliyadda Soomaaliyeed dhibaatooyinkaasi oo ay ka mid ahaayeen waalidiinta Soomaalida ah ee ku nool Yurub oo carruurtooda laga qaato iyo mararka qaar sugnaanshaha dhalashadooda oo muran la geliyo taasina Madaxdii uu kala hadlay ay is afgarad buuxa ka gaareen, dhowaanna Xukuumadda loo gudbin doono.

—DHAMAAD—
gaw

gaw1

gaw2

gaw3

gaw4

gaw5

gaw6

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com