Siyasiyiin Mucaaradsana Shirka Jubbooyinka Oo Loo Diiday Inay Gudaha U Galaan Kenya.

0

Luga-dheereNairobi (AGGM):Siyaasiyiin iyo waxgaradka soo jeeda gobolada Jubooyinka kana baxay magaalada Muqdisho kuna wajahnaa magaalada Nairobi ee caasimada dalkaasi Kenya ayaa loo diiday inay gudaha u galaan magaaladasi Nairobi.

Siyaasiyiintaasi waxaa hogaaminayay Cabdulqaadir Maxamed Suldaan-Lugadheere oo isagu ka tagay magaalada Muqdisho waxana uu ku wajahnaa sida ay sheegeen shir ka dhici lahaa magaalad Nairobi oo looga hadli lahaa arimaha maamul u samaynta gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

Xubnahaasi loo diiday inay gudaha u galaan dalka Kenya sida wararka aan ku helayno waxa ay sheegayaan in iyagu ay mucaaradeen shirka hadda hakadka galay ee dhawaanahan  ka socday magaalada Kismaayo.

Ciidamada Amaanka ee magaalada Nairobi gaar ahaan ilaalada garoonka diyaaradaha magaaladaasi ee Joma Kenyatta ayaa u diiday xubnahaasi inay gudaha u galaan magaalada Nairobi,warkaasi markii uu soo baxay ayaa xiriiro aan la samayn siyaasiyiintaasi waxaana arinkaasi wax ka weydiinay Suldaan Luga-dheere oo  kamid ahaa siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolada Jubooyinka horayna xilal kala duwan uga soo qabtay xukuumadihii ku meel gaarka ahaa ee dalka soo maray.

Cabdulqaadir Maxamed Suldaan-Lugadheere ayaa xaqiijiyaya isaga iyo siyaasiyiin la soctay kuwaasi oo dhamaantood sitay sharciga dal ku galka Kenya loo diiday inay gudaha u galaan magaalada Nairobi e caasimada Kenya maadaama sida loo sheegay ay ka soo hor jeesteen shirka maamul u samaynta gobolada Jubooyinka iyo Gedo ee haatan hakadka galay balse dhawaan ka socday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/Hoose.

Suldaan-Lugadheere ayaa tilmaamay isaga iyo waxdaradka la socday ay ka qayb galayeen shir looga hadlayo arimaha maamul u samaynta Jubooyinka ,isagoona shirka ka socday Kismaayana ku tilmamay in dadka haatan ka qayb galaya ay yihiin kuwa afduuban.

Maalmihii la soo dhaafay waxa lahadal hayay in Dawladda Kenya iyo qaar kamida xubnaha urur goboleedka IGAD inay ku lug lahaayeen maamul usamaynta Jubooyinka taasi oo Dawlada soomaaliya ay codsatay in fara galinta laga daayo maamulka loo samaynayo gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com