Madaxweyne Uhuru Kenyatta Oo Beesha Caalam-ka Ugu Baaqay In La Taageero Dowladda Soomaaliya.

0

uhuru-kenyattaMuqdisho (AGGM): Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo maalintii shalay ka hadllay munaasabadii caleema saarka ee lagu qabtay magaalada Nairobi, ayaa ugu baaqay beesha caalam-ka iyo wadamada gobollka in la taageero dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo si gaar ah isha looga wada hayay sida uu u wajahayo siyaasada Soomaaliya, ayaa shalay ka hor sheegay mas’uuliyiinta caalam-ka ee ka qeyb-gashay munaasabada in ay dowladda Kenya sii xoojin doonto taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca nabad-galyada, waxaana uu ugu baaqay beesha caalam-ka sidoo kale in ay gacan siiyaan dowladda Soomaaliya.

‘’Dowladda Kenya waxaa ay xoogga saari doontaa sidii loo helli lahaa Soomaaliya oo degan, waxaana halkan ka habalyeeynayaa ciidamada dowladda Kenya ee  dagaallka kula jira kooxda Al-shabaab, waxaan leeyahay waajib Qaran ayaa gudateen,’’ ayuu yiri madaxweynaha cusub ee dalka Kenya.

Dowladda Kenya waxaa ka jooga Soomaaliya kumanaan ciidamo ah oo ka dagaallamaya gobollada koonfurta Soomaaliya, inkastoo mar marka qaar la sheegay in dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya siweyn ugu kala aragti duwan yihiin siyaasada gobollada Jubbooyinka, gaar ahaan arinta ku saabsan dhismaha maamulka Jubba-land oo dowladdu ka shakisan tahay in ay gacan ku leedahay dowladda Kenya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com