Britain Oo Sheegtay In Ay Kordhineyso Taageerada Soomaaliya.

0

ERGAYGA UKMuqdisho (AGGM): Wasiirka dawladda Ingiriiska u qaabilsan arrimaha qaaradda Africa Mark Simmonds oo socdaal ku tagay qaar ka mid ah xeryaha ciidamada Soomaaliya lagu tababaro eek u yaala wadanka Uganda ayaa sheegay inay xukuumadiisu ay xoojin doonto taageerada dhanka ciidamada ee ay siinayaan dawlada Soomaaliya.

Mark Simmonds waxaa uu sheegay inay dar dar galin hor leh ku samaynayaan dhaqaalaha iyo taageerada ay ku bixiyaan ciidamada Soomaaliya si loo helo ciidamo tayo leh sida uu yiri.

Wasiirkaan dawlada Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Africa ee socdaalka ku maraya dalka Uganda waxaa uu tilmaamay in guddiga sare ee dawladiisa ay  dhaqaalaha ku bixiyan tababarida ciidamada oo ay gaarsiinayaan 400,000 oo bound, ka Ingiriiska ah una dhiganta 500,000 oo Dollarka Maraykanka ah.

Ingiriisku waxaa uu ka mid yahay dawladaha taageera dawladda Soomaaliya iyadoona ay Maraykanku uu shalay ku dhawaaqay inuu dawladda Soomaaliya ku taageerayo dhinaca ciidan siin doonana tababaro iyo hub ciidanka ku dagaal galaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com