War Deg Deg Ah: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa AMISOM Oo Kulaalaya Degmada Qoryooleey Iyo Maleeshiyada falaagada Al Shabaab Oo Isaga Baxay.

0

breaking_news-620x3301Marka (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in degmada Qoryooley iyo deegaanada kale ee ku dhowdhow xalay illaa saaka ay degmadaasi isaga baxeen ciidamadii maleeshiyaadka falaagada  Al Shabaab ee horay gacanta ugu hayey.

Sida wararku sheegayaan maleeshiyada falaagada Al Shabaab ee magaalada ka baxay ayaa waxay dareemeen ka culeys dhinaca ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda uga soo wajahnaa kuwaas oo u jiheystay dhinaca degmada Qoryooley ee gobolka Sh/hoose.

Isku soo wada duuboo hadda waxaa si aad ah u kacsan xaalada degmada Qoryooleey dadka deegaankuna waxa ay muujinayaan cabsi xoogan ka dib markii maleeshiyada falaagada Al-shabaab ka baxeen magaalada, isla markaasna aysan weli gaarin ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com