Maamulka Cusub Ee Gobollka Hiiraan Oo Xilka La Wareegay.*Daawo Sawirada*

0

balad3Baladweeyne (AGGM): Waxaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay maamulka cusub ee gobollka Hiiiraan ay u soo magacaawday dowladda Soomaaliya, munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo maanta lagu qabtay magaalada Baladweyne.

Munaasabada waxaa ka soo qeyb-gallay wafdiga ka socday dowladda Soomaaliya oo uu horkacayo wasiirrka Kheyraadka dalka, mas’uuliyiintii hore ee maamulka gobollka Hiiraan, mas’uuliyiinta cusub, saraakiisha ciidamada Jabuuti, odayaal dhaqameed, waxgarad iyo martisharaf kale.

Wasiir ku-xigeenka wasaarrada arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka Jaamac Axmed  [Jaamac Oday] oo ugu horeyn ka hadllay munaasabada ayaa ku dhawaaqay  maamulka cusub ee loo soo magacaabay gobollka oo uu guddoomiye ka yahay Cabdi Faarax Laqanyo, waxaana uu sheegay wasiir ku-xigeenka in magacaabista maamulka cusub oo ku saxiixan yahay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud.

C/fitaax Xassan Afrax oo hadllay ayaa sheegay in uu raali ku yahay xil wareejinta maanta, isaga oo carabka ku dhuftay in gobollka Hiiraan uu markii ugu horeysay gobollada kale ee dalka u horseedayo nidaam-ka dimuquraadiyada, madaama sida uu hadalka u dhigay isaga oo faraxsan uu xilka ku wareejinayo mas’uulka cusub ee dowladda u soo magacaawday.

‘’Waxaan wanaagsan cid kasta in ah ogaato in mas’uuliyadu tahay mid wareegta oo maalinba qof kale loo dhiibayo, sidaa daraadeed anniga oo aysan jirin cid igu qasbeysa arintan ayaa hortiina ka cadeynayaa anniga oo waliba ku faraxsan in aan xilka ku wareejiyo guddoomiyaha cusub ee gobollka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo,’’ ayuu yiri C/fitaax Xassan Afrax.

Sidoo kale waxaa munaasabada ka hadllay xildhibaanno ay ka mid ahaayeen Nuur Iidow Beylle iyo xildhibaan Duniyo Max’ed Cali, sidoo kale waxaa iyaga ka hadllay munaasabada wasiir hore Ibraahim Xabeeb Nuur iyo xildhibaan Max’ed Max’uud Goodir oo intaba u hanbaleeyay maamulka cusub, islamarkaana bogadiyay maamulkii ka horeyay.

Waxaa la dhaariyay mas’uuliyiinta maamulka cusub ee gobollka Hiiraan oo uu ugu horeeyo guddoomiyaha cusub Cabdi Faarax Laqanyo iyo xubnaha kale ee maamulka cusub, waxaana dhaariyay guddoomiyaha maxkamad oo goob joog ka ahaa munaasabada.

Ugu danbeytii waxaa soo xirray munaasabada xil wareejinta wasiirrka wasaarrada Kheyraadka dalka oo bogaadiyay maamulkii hore ee gobolka Hiiraan kuna booriyay bulshada ku dhaqan gobollka Hiiraan in ay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub Cabdi Faarax Laqanyo.

balad

balad2

balad1

balad3

balad5

balad6

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com