Halkee Buu Ku Dambeeyay Ururki SDSI.

0

sdsi logoDhamaan qurbajoogta deegaanada Gedo, Galguduud iyo Jubbooyinka ayaa waxa ay maalmahan dambe isweeydiinayaan halkee buu ku dambeeyay ururki SDSI.

Dadka badankii ayaa waxa ay aaminsan yihiin in ururki SDSI loo gacan galiyay maamulka Puntalnd oo uu hadda yahay urur u adeega danaha maamulka Puntland uuna si toos ah u hoos tago madaxweeynaha maamulka Puntland Mr. Faroole.

Shabakada Allgalgaduud Media ayaa dhawaanahan waxa ay waday baaritaano la xiriira xaqiiqda hadalada Jaaliyada isla dhexmarayaan, waxaana soo baxday in ururka SDSI uu maanta ahayn urur u adeegaya danaha dadka ku abtirsada deegaanada Gedo, Galguduud iyo Jubbooyinka.

Madaxda ururkan ayaa waxaa mar naloogu sheegay inay ku sugan yihiin Garoowe, marna waxaa naloogu sheegay inay ku sugan yihiin Jigjiga, wararki ugu dambeeyayse waxa ay sheegayaan in haatan ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho.

Haddaba waa su’aale ururka SDSI ma waxaa loo yagleelay in ay ku wareegaan deegaano iyo dhul aysan shuqul ku lahyn maxeeyse tahay ujeedka madaxda ururka SDSI ay deegaanadaas u tageen?

Jawaabaha aanu helnay ayaa wax ay noqdeen in madaxda ururka SDSI oo isugu jira kuwo muuqda iyo kuwa daaha gadashiisa ka shaqeeya iyagoo ku sugan waqooyiga Amerika ay qalqaalinayaan sidii ay xilal ugu raadsan lahaayeen magaca ururka SDSI  taa oo ah midaan qaban qurbajoogta Gedo, Galguduud iyo Jubbooyinka.

Dhinaca kale waxaa xaqiiq ah biyo kama dhibcaana ah in ururka SDSI uu qeeyb ka yahay fidnada ka aloosan magaalada Kismaayo ee lagula dagaalamayo dowladda Soomaaliya.

Shabakada Allgalgaduud Media ayaa horay waxa ay il gaar ah ugu heyn jirtay hagardaamooyinka iyo dhabarjabinta  ururka SDSI uu ka dhex wado jaaliyada Gedo, Galguduud iyo Jubbooyinka.

Isku soo wada duuboo shabakada Allgalguduud ayaa waxa ay idiin balan qaadeeysaa inay baaritaano dheeri ah ku sameeyso idiina soo bandhigto xaaldaha ugu dambeeyay ee ururka SDSI iyo ragga hadda ku bahoobay ee ku shaqeesanaya.

Filo Dhawaan Xogo Xasaasi Ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com