Xildhibaan Maxamed Cabdi Yusuf “Dowladda Haka Fiirsato La Fariisashada Somaliland Iyadoo Sheeganeyso Dowlad”.

0

maxamed cabdi yuusufXildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo horey R/wasaare ugu soo noqday Dowladii KMG ee lagu soo dhisay Magaalada Carta ee dalka Jabuuti ayaa ka digay in Madaxda sare ee Dowlada Federalka Soomaaliya aysan ku qaldamin waxa ka hor imaanaya qaranimada dalka soomaaliya, isla Markaana ay dhowraan Dastuurka dalka, xilli uu ka hadlayay Aragtidiisa ku aadan shirka la filayo in uu ka dhaco dalka Turkiya kaasi oo loogu hadli doono Arrimaha Soomaaliya gaar ahaan siyaasada is diidan ee Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland.

Maxamed Cabdi Yuusuf oo wareysi siiyay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in aysan jirin 2 dowladood oo la yiraahda Soomaaliland iyo Soomaaliya, kuwaasi oo lagu wada hadal siinayo dalka Turkiya, iyadoona aan loo baahneen buu yiri in Madaxda Dowlada Federalka Soomaaliya ay ka qeyb galaan shir la leeyahay waxaa lagu wada hadal siinayaa Soomaaliland iyo Soomaaliya, isagoona ku baaqay in ka hor inta aan laga qeyb galin shirkaasi in si weyn loo darso Ajandaha iyo hanaanka loogu qeyb galaayo Shirkaasi.

Hadii ay Dowlada Federalka Soomaaliya wada hadal galeyso, waa in ay la gashaa Mucaarad gooni u goosad ah, ama koox tanaasushay oo leh Soomaalinimo ayaan rabnaa balse ma jirto dowlad la yiraahda Soomaaliland iyo Soomaaliya oo is hor fadhiisan kara, taasi waxa ay jibineysaa dastuurka dalka u dagsan, Madaxda sare ee dalkana waa in ay dhowraan Dastuurka, waa in wada hadalka laga saaraa wax la yiraah Somaliland iyo Soomaaliya” Ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf.

“Dalka waxa uu leeyahay Dastuur, ciddii dasturkaasi ka hor timaadana waxa ay galeysaa Qiyaamo Qaran, Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Dowlada Federalka Soomaaliya waa in ay texgeliyaan Dastuurka dalka u dagsan, gaar ahaan qodobada 1-aad iyo 7-aad ee dastuurka oo qeexaya Midnimada dalka iyo Xuduudaha uu leeyahay dalka Soomaaliya, dastuurka waxa uu cadeenayaa in dalka Soomaaliya ay ka jirto 1-dowlad oo Federal ah, ee laguma soo qorin in ay ka jirto 2 dowladood” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf.

“Xuduudaha marka laga hadlo dhinaca waqooyi xuduuda inaga xigta waa Golf Aden, Waqooyi Galbed jabuuti, Galbeed Eithopia, Bari Indian Ocean, ee kuma qorna Xuduud la yiraah Soomaaliland, taasina waxa ay kuu mujineysaa in dalka uu yahay 1-dal, uuna ka jiro 1-dowlad iyo Maamulada hoos yimaada, balse aan ka jirin Dowlad kale oo ka madax banaan Dowlada dhexe ee dalka Soomaaliya”.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf waxa uu carabka ku dhiftay in ay Muhiim tahay in Soomaaliya ay wada hadasho, isla markaana cida waliba waxa ay cida kale ka tabaneyso ay soo bandhigto, balse wada hadalka lagu saleeyo si Qaranimo iyo Soomaalinimo leh, iyadoo dalka iyo dadka aan la kala qeyb qeybineenin, waa sida uu hadalka u dhigayee, iyadoona hadalka Xildhinaanka uu kusoo beegmayo Xilli la filayo in Maalmaha soo aadan uu dalka Turkiya ka dhaco shir lagu wada hadal siinayo Dowlada Federalka Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland sida uu qorshuhu yahay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com