Xaflad Xil Wareejin Ah Oo Lagu Wado Inay Ka Dhacdo Magaalada Baladweeyne Ee Gobolka Hiiraan.

0

Baladweyne2Baladweeyne (AGGM): Waxaa magaalada Baladwayne ee xarunta gobolka Hiiraan ka soconaya qaban qaabada xaflad  lagu wado in maanta halkaasi xilalka kulak ala wareegaan  maamulkii hore ee gobolka Hiiraan iyo kan cusub ee hada loo magacaabay.

Sida ay tilmaamayaan wararka ugu danbeeyay ee halkaasi laga helayo ayaa waxay tibaxayaan in magaalada oo dhan amaankeeda si aad ah loo adkeeyay kaasi oo ay sugayaan  ciidamada Dawlada federaalka soomaaliya iyo sidoo kale kuwa Amisom ee halkaasi ku sugan.

Magaalada Baladwayne ee xarunta gobolka Hiiraan  ayaa waxaa haatan ku sugan wafdi ka socda dowladda federaalka Soomaaliya oo isugu jira wasiirro, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowlada federalaka soomaaliya.

Wafdigaas oo maalinimadii shalay ahayd soo gaaray magaalada Baladwayne  ayaa waxaa hoggaaminayay  wasiirka khayraadka dalka Cabdirsaaq Cumar Maxamed.

Waxaan lagu wadaa in maamulkii hore ee gobolka gobolka Hiiraan Cabdifataax Xasan Afrax uu  xilka wareejinayo Cabdi Faarax Laqanyo oo horey uga tirsanaan jiray saraakiisha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com