War Deg Deg Ah: Isuduwihi Wasaarada Aminga Puntland Ee Gobolka Mudug Oo Caawa Lagu Dilay Magaalada Gaalkacyo.

0

breaking_news-620x3301Gaalkacyo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaaladas Gaalkacyo ayaa waxa ay sheegayaan in saacad ka hor xaafadda Garsoor ee magaaladda Gaalkacyo koox dabley ah oo aan haybtooda la garaneen ku dileen isuduwihii wasaaradda amniga Puntland u qabilsanaa gobolka Mudug Axmed Maxamed Axmed “Axmed Dhagaweyne”.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in dilkan ay geesten koox ku hubeysned bastoolado kuwaasi oo an illa xiligaan haybtooda lagaran waxa ayna islamarkiba ka baxsadeen goobta ay ku dileen isuduwaha.

Sidoo kale rasaastii lugu furay isuduwihii wasaaradda amniga Puntland Axmed Maxamed “Axmed Dhagaweyne”.
ayaa waxa ay dhaawacday qof rayid ah kaas oo haatan lugu daaweenayo isbitalka magaaladda Gaalkacyo.

Marxuum Axmed Maxamed “Axmed Dhagaweyne ayaa horay uga soo qabtay xilal kale duwan oo ay kamid ahaa agaasimaha Hay’aadda miino baarista Puntland.

Axmed Maxamed “Axmed Dhagaweyne ayaa kooxda dilka u geesatey waxa ay rasaasta kala beegsadeen marxuum Axmed Maxamed “Axmed Dhagaweyne madaxa.

Magaaladda Gaalkacyo ayaa sanadihi ugu danbeeyay ahayd hooyga Gumaadka Mas’uuliyiinta Maamulka lamagac baxay Puntland

Isku soo wada duuboo illaa hadda ma ay jiraan cid ka hadashay dilka loo geeystay marxuum Axmed Maxamed Axmed “Axmed Dhagaweyne” balse magaalada Gaalkcyo ayaa waxa ay noqotay hooyga gumaadka mas’uuliyiinta maamulka Puntland ee uu hogaamiyo Dr. Faroole.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com