Horjoogeyaasha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Oo Amaro Adag Ku Soo Rogay Maleeshiyadooda.

0

raaskambooniKismaayo (AGGM): Wararka laga hellayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobollka Jubbada hoose ayaa sheegaya in horjoogeyaasha Raaskambooni ee magaalada soo rogeen amaro ka dhan ah maleeshiyadooda oo ah  in ay ka baxaan magaalada kaddib markii dad rayid ah oo gaaraya toban qof lagu dhaawacay gudaha magaalada labadii maalmood ee la soo dhaafay.

Max’uud Qaalib oo ah horjoogaha nabad-galyada magaalada Kismaayo ayaa ku amray maleeshiyaadka Raaskambooni in ay ka baxaan magaalada, isagoo sheegay in la dejin doono dulleedka magaalada.

Waxaa uu sheegay in tallabada maleeshiyada Raaskambooni  magaalada looga saarayo ka danbeysay kaddib markii qaar ka tirsan maleeshiyda Raaskambooni ee ku sugan Kismaayo ay siyaabo kala duwan u dhaawaceen toban qof oo rayid ah oo qaarkood dhac loo geystay.

“Maleeshiyadeena ammaan ciddii ay qabtaan iyadoo hub ku dhax sidata magaalada talaabo ayeey ka qaadi doonaan, wax kale ma’aha e’ wajiga ayaa xabad looga dhufanayaan.” ayuu yiri taliyaha ciidamada nabd-galyada magaalada Kismaayo ee xarunta gobollka Jubbada hoose.

Waxaa uu raali galin ka bixiyay dhaawacyada iyo dhaca dadka rayidka ah, isaga oo sheegay in marnabe falalka noocaas oo kale ah dib ugu soo noqon doonin dadka shacabka ah.

Magaalada Kismaayo oo ah magaalo ay ka jirraan siyaasado iska soo horjeeda, ayaa haddana waxaa ku wada sugan maleeshiyada Raaskambooni oo qaab beeleed dhexdooda isaga soo horjeeda oo hadda magaalada qoryo ku dhax heysta.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com