Falaagada Arxanka Daran Ee Al Shabaab Oo Gabar Dhalinyarro Ah Ku Toogatay Meel Fagaaro Ah Oo Ku Taala Magaalada Buula-burte.

0

gabar la dilayBaladweeyne (AGGM): Wararka laga ka soo baxay degmada Buula-burte ee gobollka Hiiraan ayaa sheegaya in maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab meel fagaaro ah ku toogteen gabar dhalinyarro ah oo ku eedeeyeen in ay jaajuus u aheyd dowladda federaalka Soomaaliya.

Dad goob joogayaal ayaa sheegay gabadha oo da’deeda lagu qiyaasay 22-24 sano jir in meel fagaaro ah ay ku toogteen shan oo wajiyada soo xirtay, waxaana halkaa ka hadllay saraakiisha Al-shabaab ee degmada Buula-burte oo sheegay in ay basaas u aheyd wax ay ugu yeereen cadawgga Islaam-ka.

‘’Dadka degmada Buula-burte intooda badan goob joog ayeey u ahaayeen, markii ay toogteen kadib meydka gabadha halka ay ku dilleen ayeey uga tagteen, waxaana ka qaaday dadka degmada Buula-burte,’’ ayuu sheegay qof ku sugan degmada oo goob joog u ahaa dhacadada.

Wararka qaar ayaa sheegaya in gabadha lagu dillay degmada Buula-burte laga soo qafaashay degmada Buula-mareer ee gobollka Shabeellaha hoose, inkastoo ay jiraan warar kale oo sheegaya in lagala dagay gaari ka yimid magaalada Muqdisho kuna sii jeeday magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan.

Waa markii ugu horeysay oo ay Al-shabaab meel fagaaro ah ku toogtaan qof dumar ah degmada Buula-burte, inkastoo sanadkii 2010 ay ku dilleen magaalada Baladweyne labo gabdhood oo sida ay sheegeen u basaasayay ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com