Beesha Direed Oo Isaga Baxday Shirka Maamul Usameeynta Jubbooyinka Iyo Gedo.

0

shirka kismaayoKismaayo (AGGM): Iyadoo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose uu ka socday shirka maamul u samaynta Jubbooyinka Iyo Gedo ayaa mid ka mid ah beelaha soomaaliyeed  waxaa ay iskaga baxday shirkaasi .

Suldaan Xussen Xassan Naaleeye  oo ah salaadiinta beelaha Direed oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay  inay qaadaceen oo ay  iskaga soo baxeen shirkaasi ,isagoona ku tilmaamay shirka mida dano gaar ah laga leeyahay oo ay wataan dad aan dalka u dhalan .

Suldaanka ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in ay hogaan cadaalad ah u samayso  maamulka Jubbaland oo haatan uu ku sheegay in loo dhiibi rabo dad aan aqoon buuxda u lahayn deegaanka kuwaasi oo dalka dibadiisa ka yimid.

Dawladda Soomaaliya ayaa waxa ay horay u  qaadacday  shirka maamul u samaynta Jubbaland  waxaana isa soo taraya beelaha shirka ku jiray ee isaga soo baxaya ,inkasta oo maamulka Axmed Madoobe ku sii adkaysanayo sii socoshada shirka loogu samaynayo muumulka gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com