Gudoomiyaha Baarlamaanka Iyo Wafdiga Uu Hogaaminayo Oo Casho Sharaf Xalay Loogu Sameeyey Magaalada Oslo.

0

photo1Oslo (AGGM): Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo wafdi uu hogaaminayo ay ku suganyihiin dalka Norway ayaa waxaa xalay magaalada Oslo loogu sameeyey casho sharaf.

Casho sharaftan oo aheyd mid si heer sare ah loosoo agaasimay ayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisa u  sameeyey Ra’isulwasaarihii hore ee dalka Norway Mr Bendevic ayadoo munaasabadda casha sharaftana ay goobjoog ka ahaayeen dhammaanba xubnaha wafdiga sida Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar iyo gudoomiyeyaasha gudiyada joogtada ah ee Baarlamaanka.

Ra’isulwasaarihii hore ee Dalka Norway Mr Bendevic oo Munaasabadda casha sharafta aheyd hadal kooban ka jeediyey ayaa aad u ammaanay qaabka ay xiligan u shaqeynayaan Baarlamaanka iyo kaalinta muuqata ee ay ku lahaayeen isbedelka siyaasadeen ee iminka ka jira Soomaaliya waxaana Mr Bendevic ku dhiirageliyey Mudanayaasha Baarlamaanka iney sii wadaan dadaalladooda ku aadan sidii ay Soomaaliya ku gaarsiin lahaayeen meel ay dadku hogaankooda ku dooran karaan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo isaguna Munaasabadda hadal kooban ka jeediyey ayaa uga mahad celiyey Ra’isulwasaarihii hore ee Dalka Norway iyo guud ahaanba Dowladda Norway iyo shacabkeeda soo dhaweynta ay u sameeyeen wafdiga uu hogaaminayo waxaana uu dhanka kale Gudoomiyaha Baarlamaanka xusay iney ka go’antahay Golaha Shacabka fulinta dhaartii ay u dhaarteen samatabixinta iyo Hormarka Soomaaliya.

—-DHAMAAD—-

Xafiiska Warfaafinta Gudoomiyaha Baarlamaanka

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com