Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Oo Shalay Lagu Jirdilay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo.

0

baarlamaanka2_large2Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in shalay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kana mid ahaa Xildhibaanadi dhawaan gaaray magaalada Kismaayo oo kasoo jeeda beesha Bartire si fool xun loogu jirdilay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

Xildhibaanka ayaa waxa uu ka soo jeedaa Degmada Xagar, waana mudane hadda ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Mudanahan ayaa waxaa lagu qoonsaday kadib markii uu u sheegay horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni sida ay wax ku wadaan inaysan waxba ugu suuroobeeyn oo ay wax ka badalaan qaabka ay hadda wax ku wadaan, ayaa shalay mar uu booqday Garoonka diyaarada magaalada Kismaayo waxaa si xun u jirdilay unna garaacay qaar kamid ah maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Xildhibaankan ka tirsan Baarlamaanka ayaa hadda waxaa lagu dabiibayaa oo uu yaal dhaawiciisa Hotel Tawakal oo ku yaal gudaha magaalada Kismaayo.

Dhinaca kale waxaa gadood sameeyay ciidamo kasoo jeeda Beesha Bartire oo aad uga carooday falkan guracan kana tirsanaa maleeshiyo beeleedka Raaskambooni weli waa ay kacsan tahay xaalada lamana garan karo halka ay ku danbeeyn doonto, waloow ay jiraan dadaalo socda oo lagu baajinayo dagaal inuu ka dhex qarxo dhexdooda.

Isku soo wada duuboo marka la eego falalkan xadgudbayada ah ee lagula kacayo dadka ku sugan magaalada Kismaayo ayaa waxa ay waxba ka duwaneen kuwii ay  horey u geesteen maleeshiyaadki uu hogaamin jiray Col. Axmed Cumar Jees.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com