Xukumada Soomaaliya Oo Ka Jawaabtay Digniintii Dowlada Ingiriiska.

0

Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka C.llaahi Ciilmooge XirsiMuqdisho (AGGM): Dowlada Ingiriiska ayaa uga digtay muwaadiinteeda inay usafraan gudaha Soomaaliya, ayna jiraan cabsi ah qaraxyo dhawaan ka dhacaya magaalada.

Iyadoo ayn jirto digniintaas ayaa waxaa si adag kaga jawaabay xukumada Soomaaliya, Waxaana Wasiirka Warfaafinta dowlada Soomaaliya C/lahi Ciilmooge Xirsi uu sheegay inaysan jirin qatar dhanka amaanka ah oo Muqdisho ka jirta.

Wasiirka ayaa sheegay in Ingiriiska uu yahay dal madax banaan isla markaana uu xaq uleeyahay in muwaadiniintiisa uu uga digo Soomaaliya, hase ahaatee taas aysan ka dhignayn in weeraro ka dhacayaan Muqdisho.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in loo malaynayo in fariin qaldan la siiyay xukumada London, maadaama Muqdisho ay ku jirto xiligeedii ugu wanaagsanaa ee amaanka.

Wasiir Ciilmooge ayaa sheegay inaysan jirin wax wada shaqeyn ah oo udhaxeeya dowlada Ingiriiska iyo Xukumada Soomaalia, arintaas darteedna ay keenayso in dad ay si qalad ah wax ugu sheegaan xukumada London.

Horey ayaa Wasaarada Arimaha dibada dowlada Ingiriiska ay muwaadiniinteeda uga digtay deegaanada Somaliland, iyadoo xiligaasna London laga sheegay in weeraro argagaxiso ay dhacayaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com