Uhuru Kenyata Oo Sheegay In Dowladiisa Dadaal U Gali Doonto Sidii Ay Dalka Maraykanka iyo Beesha Caalamka Isaga Kaashan Lahaayeen Arrimaha Soomaaliya.

0

uhuru safiirNairobi (AGGM):Madaxweynaha la doortay ee Dalka Kenya, Uhuru Kenyaatta, ayaa sheegay inay Dowladiisa dadaal u gali doonto sidii ay Dalka Maraykanka iyo Beesha Caalamka isaga kaashan lahaayeen sidii Somalia loogu soo dabaali lahaa Nabad.

Madaxweynaha ayaa hadalkaas ka jeediyay kulan uu Safiirka Maraykanka u fadhiya Kenya, Robert Godec shalay kula yeeshay Xarunta (The Kenyatta International Convention Centre) ee Magaaladda Nairobi.

Safiirka ayaa waxa uu Madaxweynaha Cusub ee Kenya u gudbiyay Dhambaal uu Madaxweyne Obama ugu Hambalyeynayo guusha uu ka gaaray Doorashada Madaxtinimada Dalka Kenya ka dhacday Bishii March 4-dii.

Madaxweynaha Kenya oo ka hadlay qaabilaadaas ayaa ku dheeraaday xiriirka labada dal, wuxuuna xusay inay Dowladda Maraykanka saaxiib la ahayd tan iyo Xornimadii Kenya ee Sanadkii 1963-dii.

‘’Waxaa si wadajir ah ula kulanay dhibaatooyin oo aan xalinay, iyadoo iskaashi wanaagsan ka dhexeeyo labada dhinac’’ ayuu yiri Uhuru Kenyaatta, oo intaas ku daray inay Maraykanka iska kaashan doonaan Xal u helida Dhibaatooyinka ka taagan Somalia, gaar ahaan la dagaalanka Argagixisada, Burcad badeeda iyo lacagaha Sharci darada loo xawilo.

Madaxweynaha Kenya oo lagu wado inuu Bishan 10-da si rasmi ahaan ula wareego Xafiiska Madaxtinimadda, ayaa ku nuuxnuuxsaday inay Dowladiisu sii wadayso Iskaashiga Dowladda Maraykanka iyo Beesha Caalamka ee ku aadan sidii Somalia loogu soo dabaali lahaa Nabad iyo sidii loo hubin lahaa inaysan Kooxaha Argagixisada gabaad ka dhiganin gudaha Somalia iyo inaysan Kooxaha Argagisada ku Tababar qaadanin.

Madaxweyne Kenyaatta waxa uu sheegay in Nabada Somalia ay muhiim u tahay Dalkiisa iyo  Geeska Africa, wuxuuna Xusay in Kooxaha Argagixisada Somalia Khatar ku yihiin Ammaanka Dalkiisa, Gobolka iyo Guud ahaan Caalamka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com