Burundi Oo Ciidamo Hor Leh U Soo Diraysa Soomaaliya.

0

burundi armyBujumbura (AGGM): Sida ay ku waramayaan warbaahinta dalkaasi Burundi cutubyo ka tirsan ciidamada Burundi oo qorshuhu yahay in dhawan Soomaaliya loo soo daabulo tababar ku saabsan la dagaalanka waxaa ay reer galbeedku u yaqaanaan aragagixisada waxaa lagu siiyay xerada la yiraahdo Buramata oo dhawr km u jirta magaalada caasimada ah ee Bujumbura.

Saraakiil gaarf ah oo ka tirsan ciidamada mariiniska Maraykanka ayaa muddo dhawr todobaad ah ciidamada tababarka siinayay sida laga soo xigtay warbaahinta dalka Burundi.

Jeffery Haggard  oo kamid ah saraakiisha Maraykanka ee tababarkaan bixiyay ayaa u sheegay warbaahinta in ciidamadaan la baray casharo ay ka mid yihiin ka dagaalanka dhulka miyiga ah iyo sidii looga fogaan lahaa in dadka shacabka ah uu khasaaro soo gaaro  xilliyadda ay dagaaladu socdaan.

Wasaaradda gaashaandhiga Burundi ayaa war kasoo baxay ayaa waxaa lagu sheegay in dhawaan ciidamadaan ay Soomaaliya kusoo wajahan yihiin oo lagu xoojin doono ciidamada kale ee dawladaas Soomaaliya ka jooga.
Dawlada Burundi waa dawladii labaad ee African ah oo ciidamadeeda Soomaaliya keentay waxaana ciidamadeeda oo qeyb ka ah hawlgalka AMISOM ay dagaal kula jiraan falaagada Al Shabaab.