Wararki Ugu Dambeeyay Maanta Iyo Xaalada Magaalada Kismaayo.

0

kismaayo2Kismaayo (AGGM):Wararka naga soo gaaraya manata magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in in qaar kamid ah kooxdi u ololeenaysay maalka lagu sheegay Jubbaland ee shirarka been abuurka ah beryahan ku qabanayay magaalada Kismaayo ay ku kala laanbteen deegaanadi ay marki hore kasoo kicitimeen.

30 kamid ah 44 xildhibaan ee gaaray magaalada Kismaayo ayaa waxa ay dib ugu laabteen magaalada Muqdisho, halka 14-na ku hartay magaaladaasi.

Warar hoose ayaa waxa ay sheegayaan in xildhibaanada uu soo kala dhexgalay qilaaf ku aadan qaabka ay wax ku socdaan inaysan waafaqsaneen dastuurka dalka u yaal  iyo in uu waafaqsan yahay balse ay isku afgaran waayeen kuna kala dareereen.

Waxaa kaloo isaga cararay shalay magaalada Kismaayo koox iyaguna kasoo kicitimay dhanka magaalda Garoowe,kadib marki ay ka baqeen in ay ku go’adoomaan magaalada Kismaayo oo saacad walba la filan karo in uu ka qarxo dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Ciidamo ka tisan ciidamada xooga dalka oo ka soo kicitimay dagmada Ceel waaq oo qiyaasti lagu sheegay dhoowr boqol oo askari ayaa waxa ay galabta gudaha u soo galeen magaalaada Kismaayo, waxa ayna fariisin ka sameeysteen ex- warshadi hilibka ee magaalada Kismaayo.

Dhinaca kale horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raskambooni Axmed Madoobe ayaa maanta mar uu isku dayay inuu calanka Puntland ka taago xarunta dagmada magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku diiday dadka deegaanka oo u sheegay inuu calalka Punland looga soo dhiibay uu kala tago xarunta dagmada magaalada Kismaayo si cadna ugu sheegay calanka Soomaaliya calan aan ahayn in aan laga taagi kareen xarunta dagmada.

Isku soo wada duuboo magaalada Kismaayo ayaa waxa ay la ciirciireeysaa inta jecel u adeega gumeysiga iyo cadowga Soomaaliyeed ee jecel burburinta Qaranimada Soomaaliya, balse su’aasha isweeydiinta mudan ayaa waxa ay tahay imisa ayay sii jiri doonaan kuwa u adeegaya gumeystaha.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com