Warning: The magic method Vc_Manager::__wakeup() must have public visibility in /customers/9/d/2/allgalgaduud.net/httpd.www/wp-content/plugins/js_composer/include/classes/core/class-vc-manager.php on line 203
Deprecated: Required parameter $width follows optional parameter $attach_id in /customers/9/d/2/allgalgaduud.net/httpd.www/wp-content/plugins/js_composer/include/helpers/helpers.php on line 366
Deprecated: Required parameter $height follows optional parameter $attach_id in /customers/9/d/2/allgalgaduud.net/httpd.www/wp-content/plugins/js_composer/include/helpers/helpers.php on line 366
Deprecated: Required parameter $atts follows optional parameter $output in /customers/9/d/2/allgalgaduud.net/httpd.www/wp-content/plugins/td-composer/legacy/common/wp_booster/td_wp_booster_functions.php on line 1740
Deprecated: Required parameter $args follows optional parameter $depth in /customers/9/d/2/allgalgaduud.net/httpd.www/wp-content/plugins/td-cloud-library/includes/tdb_menu.php on line 251
Deprecated: Required parameter $output follows optional parameter $depth in /customers/9/d/2/allgalgaduud.net/httpd.www/wp-content/plugins/td-cloud-library/includes/tdb_menu.php on line 251
Deprecated: Required parameter $channel_that_passed follows optional parameter $caller_id in /customers/9/d/2/allgalgaduud.net/httpd.www/wp-content/themes/Newspaper/includes/wp-booster/tagdiv-remote-http.php on line 124
Deprecated: Required parameter $channel follows optional parameter $caller_id in /customers/9/d/2/allgalgaduud.net/httpd.www/wp-content/themes/Newspaper/includes/wp-booster/tagdiv-remote-http.php on line 146
Warsaxaafadeed:R/wasaare Saacid Oo Maanta Tababar U Soo Xiray 206 Ciidamo Boolis Ah Oo Dhameystay Tababar.*Daawo Sawirada* | Allgalgaduud.Com
Djibouti, (AGGM): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta tababar u soo xiray ciidamo Boolis ah oo ay tiradoodu gaareysay 206 kuwaasoo muddo 3 bilood ah tababar uga soconayay xerunta tababarka ee ciidaka Booliska ee Idiris Faarax Habane.
Ciidamadan oo loo tababaray ka hortaga rabshaddaha iyo isku dhacyada dadweynaha ayaa waxaa tababarkan siinayay tababarayaal Caalami ah, waxayna munaasabadan ku soo bandhigeen xirfadihii la baray.
Ra’iisal Wasaaraha oo munaasabadan ka hadlayay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in uu tababar u soo xiro ciidankan, wuxuuna kula dardaarmay inay ummadda Soomaaliyeed ugu adeegaan tababarada ay qaateen.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa sidoo kale kormeeray qeybaha degaanka ee ciidanka, isaga oo mar kale uga mahadceliyay dawladda aanu walaalaha nahay ee Jabuuti daryeelka ciidankan, iyo sidoo kale dawladda Talyaaniga oo iyadu bixisay dhaqaalaha ku baxay tababarka ciidankan.
Ugu dambeyntiina, Ra’iisal Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa ka soo dhoofay magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti oo booqasho labo cisho ah qaadatay uu ku joogay, waxayna gaareen magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Itoobiya.
Garad Salad Hersi
Press officer, PM office Addis ababa, Ethiopia
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media allgalgaduud@gmail.com