R/wasaare Saacid Oo U Safray Wadanka Ethiopia.

0

SAM_1589 (2)Djabouti (AGGM): Wafdi uu hogaaminayo Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa ka ambabaxay goordhow dalka aynu walaalaha nahay ee Jabuuti.

Wafdiga Ra’isulwasaaraha ayaa waxey kusii jeedaan magaalada Addis Ababa ee caasimadda Dalka Ethiopia waxaana garoonka diyaaradaha dalka Jabuuti kusii sagootiyey mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Jabuuti.

Ka hor inta aanay ka ambabaxin dalka Jabuuti wafdiga Ra’isulwasaaraha waxey kormeereen xero ciidan oo lagu tababarayo Ciidammo ka tirsan Booliiska Soomaaliya ayadoo Ra’isulwasaarahana uu Ciidammadaasi u jeediyey khudbad dhiiragelin ah.

Ra’isulwasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Arrimaha Gudaha waxaana inta uu joogo magaalada Addis Ababa kulammo kala duwan la qaadan doonaa madaxda dalkaasi oo uu  ugu horeeyo dhigiisa dalka Ethiopia Ra’isulwasaare Hayle Mariam Disale.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com