Ahlu Sunna Oo Sheegtay In Ay Sii Ambaqaadayaan Wada Hadalladii Kala Dhaxeeya Dowladda Federaalka.

0

sheekh ibraahimMuqdisho (AGGM): Maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ee gobollka Galguduud ayaa sheegay in ay sii anbaqadanayaan wada hadalladii uu dhaxeeyay ama u bilaawaday iyaga iyo mas’uuliyiinta sare ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha gollaha Ahlu Sunna Waljameeca Sheekh Ibraahim Sheekh Xassan ‘’Guureeye’’ oo Muqdisho ku sugan ayaa warbaahinta u sheegay  in guddi labada dhinac ka kooban loo saaray in ay sii wadaan ama sii anbaqadaan wada hadalladii kala dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya.

‘’Guddi labada dhinac ka socda, ayaa la fillayaa in ay dhawaan kulan ku yeeshaan gobollka Galguduud, si loo sii anbaqaado wada hadalladii bilowga ahaa ee labada dhinac u dhaxeeyay,’’ ayuu yiri Sheekh Ibraahim Guureeye.

Wararku waxa ay sheegayaan in ay jiraan qodobo ay isku fahmi la’yihiin mas’uuliyiinta dowladda federaalka iyo maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ee gobollka Galguduud, laakiin guddoomiyaha wax faah faahin ah kama uusan bixin qodobada leysla fahmi la’yahay.

Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa bishii hore booqday gobollka Galguduud, waxaana degmada Caabud-waaq ee gobollkaas ay wada hadallo ku dhaxmareen xubnihii ka socday xukuumada iyo mas’uuliyiinta maamulka Ahlu Sunna Waljameeca.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com