Abuu Mansuur Al Amriki Oo U Hanjabay Dowladda Mareykanka Oo Dhawaan Lacag Duldhigtay.

0

shabaab ajnabiMuqdisho (AGGM): Ninka lagu magacaabo Omar Hammami uu dhashay dalka Mareykanka laakiin la baxay Abuu-mansuur Al-Amriki ayaa fariin hanjabaad ah u dirray dowladda Mareykanka oo dhawaan sheegtay in ay siin doonto lacag dhan shan Milyan oo doolar cidii keentay macluumaad ku saabsan halka uu ku sugan yahay.

Mar uu la hadllayay ama Bogga Internet-ka iyo Danger Room ayaa sheegay in wixii hadda ka danbeeya uu la dagaallami doono danaha Mareykanka, gaar ahaan dalxiisayaasha dowladda Mareykanka ee bariga Africa.

Waxaa uu ku tilmaamay Abuu-mansuur Al-Amriki in  dowladda Mareykanka tahay cadowgga Islaam-ka sidaa daraadeed mar walba uu la dagaallami doono dhamaan danaha dowladda Mareykanka ee dunida oo dhan.

Dhawaan ayeey aheyd markii dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay lacag dhan $5milyan oo doolar siin doonto cid kasta oo sheegtay halka uu kaga sugan yahay Soomaaliya Omar Hammami iyo shaqsi kale oo ka mid ah ajnabiga ka bar bar dagaallama Al-shabaab.

Abuu-mansuur Al-Amriki oo bilihii ugu danbeeyay shaacinayay in uu khilaaf adag oo kala dhax-galay isaga iyo kooxda Al-shabaab, ayaa warkiisa ku sheegay in uu xoojin doono gacanta tageero ee uu siiyo kooxda Al-shabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com