Wararki Ugu Dambeeyay Magaalada Kismaayo Iyo Qaar Kamid Ahaa Ergooyinka Oo Isga Baxay Shirki.*Dhagayso*

0

shirka kismaayoKismaayo (AGGM): Wararka maanata naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in Qaar kamida ergooyinkii ka qeyb galayay shirki lagu sheegay in maamul loogu sameenayo gobolada Jubbooyinka ay isaga baxeen iyagoona sheegay in la marin habaabiyay qaabkii loogu talo galay shirka.

Axmed Maxamed Xasan oo kamida waxgaradka ka qeyb galayay shirka ka socda magaalada Kismaayo kana soo jeeda gobolada Jubooyinka ayaa sheegay in jamhada Raaskomboodi ay afduubeen shirka ayna ka dhigeen mid gacantooda ku jira sida uu hadalka u dhigay.

Nabadoonkan ayaa sheegay in Raaskambooni ay la wareegeen gacan heynta shirka ayna ka dhigeen wax ay iska leeyihiin waxuuna sheegay in sida ay doonaan ay ka yeelayaan shirkaasi Axmed Madoobe iyo dadka la socda.

Shirka waxaa loogu talo galay inay ka qeyb galaan ilaa 500 oo ergo hadana Raaskamboodi waxa ay sii xareeyeen in ka badan 1000 ruux markii aan isku daynay inaan kala hadalno waxay inoo sheegeen in shirka ay maamulkiisa iyaga u madax banaan yihiin.

Waxgaradkan ka baxay shirka maamul sameynta Jubbaland ayaa sii cakirineysa xaalada shirka oo aan horey u heysan taageerada iyo aqoonsiga Dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale weli waxaa xeebta magaalada Kismaayo taagan maraakiib sida la sheegay wada ciidamo ka socda dalka Sierra leone ku waa oo dhawaan la filayo inay kasoo dagaan dekeda magaalada Kismaayo.

Isku soow ada duuboo shirka maalmahan ka socday magaalada Kismaayo ayaa waxa uu mira dhalkiisa u eg yahay mid kusoo gabgaboobaya shimbir yahow heesa ee inta ka qayb gashay iyo inta ku sugan magaalada Kismaayo ay afka ku hayaan inuu fashilmay shirkan.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/04/kismaanyo_shir.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com