Ma Puntland Oo Isbalaarisay Baa, Mise Waa Jubbaland?

0

puntlandDadka badankii ayaa marka ay arkaan labadan calan waxa ay isweeydinayaa ma isku nin baa sameeyay, mise waa Puntland oo isbalaarisay baa,mise waa Jubbaland?

Akhristoo waxaan bataatanba shaki ku jirin in waxa ka socda Jubbooyinka ay gadaal ka taagan tahay  Puntland oo macnuhu waa Puntland oo isbalaarinaysa, waloow ay dadka qaarkii aaminsan yihiin waxa ka socda Jubbooyinka  ay tahay mid ay gadaal ka riixayaan dowladdaha Kenya iyo itoobiya iyada oo ay ku adeeganayaan maamulka puntland iyo maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Waxaa biyo kama dhibcaan ah inaysan intaba ka maqneen ayna xulufo u yihiin sidii loo manja xaabin lahaa dowladda Soomaaliya si loo buburiyo Qaranimada iyo iftiinka yar ee maanta u soo ifaya dadka Soomaaliyeed ee dalkooda iyo dadkoodaba jecel, waloow dhexdooda ay qolo walbaahi wadato qorsho ama dano u gaarka ah balse ay ka midaysan yihiin Burburinta Qaranka Soomaaliyeed.

Haddaan ku hormaro dowladdaha Shisheeye.

Sida aad wada ogsoon tihiinba dowladda Kenya waxa ay heshiisyo muuqda iyo kuwo qarsoonba la gashay dowladdi KMG ahayd oo uu horkacayeen R/wasaareyaashi Cumar C/rashiid Cali iyo C/weli Maxamed Cali heshiisyadaa oo ahaa kuwo lagu xalaaleeysanayo badda Soomaaliya gaar ahaana dhanka Jubbooyinka.

Kenya waxa ay wadaa baaritaano shidaal oo ka socda xeebaha soo xiga badda soomaaliya hoowshaas waxaa howol fududeeyayaal ka ahaa xukumadihi R/wasaarihi hore Cumar C/rashiid iyo C/weli Maxamed Cali, taas ayaana sabab u ah inay ciidamada Kenya si sharci daro ah gudaha ugu soo galaan dalka Soomaaliya, kadibna la sharciyeeyay oo laga dhigay kuwa AMISOM.

Itoobiya ujeedkeedu waa iska cad yahay mana qarsoona waa in Soomaaliya aysan ka dhalan dowladd awood leh hannan kartana dhamaan gobolada dalka Soomaaliya, waxa ayna mar walbaa u taagan tahay Itoobiya manjo xaabinta iyo la dagaalanka dowladd midnimo oo ay Soomaaliya yeelato.

Waxaa daliil u ah dib u eeg ciidamada Itoobiya iyo ciidamada Dowladda Soomaaliya inta badan deegaanada ay ka xoreeyeen falaagada Al Shabaab diba ayay uga baxeen waxaana dib ulla wareegay falaagada Al Shabaab taas ayaana ku tusaysa curyaaminta dowladda Itoobiya ay ku hayso in dalka Soomaaliya dago amaba yeesho dowladd awood u leh xalinta dhibaatda aafeeysay 21 sano dalka Soomaaliya.

Dhinaca Ismaamulada Puntland iyo Kilinka 5aad.

Waxaa hubaal ah waxa ka socda Jubooyinka in ay qayb ka tahay Puntland oo danaheeda ka dhex aragtay deegaanadaas.

Puntland waxa ay ku shaqeenaysaa siyaasad marnaba ma ay doonayso in dalka Soomaaliya uu yeesho dowladd awood u leh in ay maamusho amaba la xisaabtanto maamul goboleedyada dalka ka jira, si qas iyo foowdo u galo dalka waxa ay iyaduna soo abaabushay koox ku dhisan qaab beeleed si ay isaga horkeento dadka daga koonfurta Soomaaliya oo ay la doonayso in dhexdooda uu ka dhaco dagaal sokeeye.

Dhinaca kale Puntland ayaa waxa ay ku xisaabtamaysaa hadii qorshaheeda dagaalka sokeeye ee u dhexeeya maleeshiyo beeleedka Raaskambooni iyo Dadka deegaanka uu shaqeen waayo in gobolada Jubbooyinka Iyo Gedo ay hogaanka u qabtaan koox iyaga ku heeyb iyo fikirba ah (Kablalax) taa oo ay doonayso marki Puntland muran dhexmaro Dowladda dhexe ee Soomaaliya Jubbalandna ay iyaduna muran ku furto dowladda Dhexe Ee Soomaaliya si mar walba dowladda dhexe ay ciriiri ama go’adoon siyaasadeed loo galiyo.

Sidoo kale iyaguna waxaa qayb ka ah foowdada iyo dagaalka sokeeye ee laga aloosayo Jubbooyinka iyo Gedo ismaamulka Soomaalida ee itobiya kuwaa oo iyaguna ku shaqeenaya fikirka iyo mabda’a (Kablalax) ee Puntland iyo dowladda Itoobiya.

Gabogabadi Dadka Soomaaliyeed ee daga gobolada Jubooyinka iyo Gedo waa inay fahmaan halka dhaanka lagu wado iyo ujeedooyinka laga leeyahay maamulkan gacan ku rimiska ah ee loo ololeenayo iyo dowladdaha iyo kooxaha gadaal ka taagan ee qorsheenaya in la burburiyo Dowladda Soomaaliya dalkuna galo dagaal sokeeye amaba qoloba xaafad oodato.

C/laahi Hussein Galad (Shan Dile)
Kismaayo,Soomaaliya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com