War Deg Deg Ah: R/wasaare Saacid Oo U Dhoofay Dalka Jabuuti.

0

IMG_5467 (2)Muqdisho (AGGM): Waxaa goor dhaw ka ambabaxay magaalada Muqdisho Wafdi uu hogaaminayey Wasiirka koowaad ee Xukuumada Somaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

Wafdiga Ra’iisalwasaaraha Somaliya waxa qeyb ka ah xubno katirsan golaha Wasiirada Xukuumada Somaliya waxaana ay saacadaha soo socda gaari doonaan wafdigaasi garoonka diyaaradaha Jabuuti oo hadaba lagu sugayo.

Kadib markii  casuumaad uu ka helay dalalka Jabuuti,Kenya,Itoobiya iyo Ugandha madax katirsan ay kulamo la qaadan doonaan wafdigaasi markii ay socdaalo kusoo kala bixiyaan dalalkaasi.

Waa safarkii ugu horeyeye oo Dr Saacid ku tago dalka Dibadiisa tan iyo markii la magacaabay Dr Saacid sanadkii hore 2012-kii taasi oo aan la ogeyn sababta hadda keentay inuu usafro shan bilood kadib Dr saacid dalka dibadiisa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com