Ra’iisal wasaare Saacid Oo Dhawaan Safarkiisii Ugu Horeeyay Ee Dibada Ku Kala Bixinaya Dalalka Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Uganda Iyo Burundi.

0

saaiduuuMuqdisho (AGGM): Ra’iisal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo ka kooban wasiirro iyo xildhibaanno ayaa maanta ka dhoofay magaalada Muqdisho, iyaga oo ku sii jeeda dalalka ay ciidamada ka joogaan dalka Soomaaliya.

Wafdiga uu hoggaaminayo ra’iisul wasaaraha ayaa la filyayaan in ay booqdaan dalalka: Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Uganda iyo Burundi oo ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya, isagoo ka helay dalalkaas casuumaado rasmi ah.

Xubno ka tirsan wafdiga ra’iisul wasaaraha ayaa warbaahinta u sheegay inuu ka billaaban doono safarkooda dalka Jabuuti oo ka mid ah dalalka ciidammo ka mid ah AMISOM u soo diray Soomaaliya; isagoo kala hadli doona sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal.

Marka uu sooo dhameysto safarkiisa Jabuuti waxaa la filayaa in uu wafdiga u gudbo dalka Itoobiya oo lagu wado in ay kulammo kula yeeshaan madaxda dalkaas ay uga qayb-galaan shir looga hadlayo arrimaha Afrika.

Sidoo kale ra’iisal wasaaaraha ayaa la fillayaa in uu kulan la qaato madaxda dalkaas oo uu kala hadlo adkeynta xiriirka labada dal, madaama shacabka Kenya ay doorteen madaxweyne cusub.

Uganda iyo Burundi ayuu sidoo kale booqan doonaa, isagoo kala hadli doona madaxda dalkaas sidii loo xoojin lahaa ciidamada ka joogaan Soomaalia si ay xukuumadda ugu guuleysato in dalka oo dhan ay gacanta ku dhigto.

Safarka ra’iisal wasaaaraha uu maanta ugu anbabxay dalka dibadiisa ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah tan iyo markii loo magacaabay xilka ra’iisal wasaaraha isaga oo todobaadyadii ugu danbeeyay uu safar ku kala ka bixinayay gobollada dalka Soomaaliay.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo looga bartay inuu booqashooyin ku kala bixiyo gobollada dalka ayaa wuxuu safarkiisan noqonayaa kii ugu horreeyay oo uu ugu ambabaxo dalka dibaddiisa, tan iyo markii xilkan loo magacaabay bishii November ee sannadkii hore.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com