Xildhibaano Ku Wajahan Magaalada Kismaayo.

0

xidigMuqdisho (AGGM): Wafdi xildhibaanno ah oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaan in ay saacadaha soo socda gaaraan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose, halkaas oo uu ka socdo shirka maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Afhayeenka maamulka ku-meel-gaarka ah ee magaalada Kismaayo C/naasir r Seeraar ayaa u sheegay warbaahinta in magaalada uu ka socdo diyaar-garow lagu soo dhaweynayo mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaannada tagi doona magaalada Kismaayo ayaa la sheegay ay dhex dhexaadin ka gallli doonaan farqiga siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta maamulka Kismaayo oo fashil uu ku soo dhamaaday kulan ku dhaxmaray magaalada Kismaayo..

C/rashiid Xidig oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ee la filayo in ay tagaan Kismaayo ayaa la sheegay inuu hor-kacayo wafdiga xildhibaannada oo tiradooda la sheegay in ay ku dhaw dhawday 20 xildhiba.

Ka qeyb-galayaasha shirka maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee ka socda magaalada Kismaayo ayaa shalay ansixiyay dastuur cusub oo la sheegay inuu yeellan doono maamul-goboleedka la dhisayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com