Wararki Ugu Dambeeyay Magaalada Kismaayo Iyo Ergadi Lagu Sheegay Inay Matalaan Beesha Sade Oo Maanta Laba Saf Isugu Dilay Shirkii Dhexdiisa.

0

shirka kismaayoKismaayo (AGGM): Wararka maanta naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in madasha lagu sheegay in lagu yagleelayo maamul goboleedka Jubbaland in uu maanta ka dhacay dagaal u dhexeeyay ergadi lagu sheegay inay matalayaan beesha Sade oo leeysu adeegsaday bakoorado.

Goobjooge ku sugnaa madasha shirka oo ka gaabsaday magaciisa oo xiriir la soo sameeyay shabakada caalamiga ah ee Allgalgaduud Media ayaa waxa uu sheegay in uu ka dhashay dagaalkan u dhexeeyay ergadi lagu sheegay inay matalayaan beesha Sade kadib markii Maxamed Ugaas Xaashi uu sheegay in waxa meesha ka socda ama qaabka loo codeenayo ay qalad tahay loona baahan yahay in la saxo ayaa waxaa u gacan qaaday mid kamid ahaa gudiyada maamul usameeynta Jubbaland kaa oo lagu magacaabo Gen. Cali Madoobe, kadib gacan qaadka Gen. Cali Madoobe ayaa isna waxaa u gacan qaaday nin kamid ahaa ergadi  lagu sheegay inay matalayaan beesha Sade.

Goobjoogahan ayaa waxa uu inoo sheegay in shirkii ay ergadi beesha Sade u kala baxeen laba saf oo leeysla dhacay bakoorado, sidaana waxaa ku hakaday amaba joogsday shirkii been abuurka ahaa ee ka socday magaalada Kismaayo.

Dhinaca kale goobjoogaha ayaa waxa uu sheegay in maanta gudaha xarunta shaqaalaha ee magaalada Kismaayo loogu qeeybiyay hub maleeshiyo kasoo jeeda beesha Harti kuwaa oo la siiyay 40-tameeyo qori oo ah kuwa fudud AK 47.

Isku soo wada duuboo soomaalida ayaa waxa ay ku maah maahdaa Hal xaaraan ah ma dhasho nirig xalaal ah shirarka ka socda magaalada Kismaayo ayaa waxaa looga gol leeyahay sidii lagu burburin lahaa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo sidii deegaanda Jubbooyinka looga hurin lahaa colaado aan dhamaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com