Ciidamada Dowladda Oo Laga Saaray Magaalada Dhuusamarreeb Iyo Hubka Magaaladaasi Yaalay Oo La Tirakoobay.

0

dhuusamareebDhuusamareeb (AGGM): Taliska ciidanka dowladda Soomaaliya ee degmada Dhuusamarreeb ayaa sheegay in maanta magaalada Dhuusamarreeb dibadda looga saaray ciidan kor u dhaafaya 200 oo askari oo ka tirsan kuwa dowladda.

Taliyaha ammaanka ee Dhuusamarreeb Farxaan Macallin Cali ayaa Bar-kulan u sheegay in ciidanka laga saaray magaalada la dejiyay xerada 21-aad ee duleedka magaalada.

Tallaabada ayuu ku tilmaamay mid lagu dhaqan-gelinayo go’aan horey uga soo baxay maamulka degmada oo ku aaddanaa inaan hub lagu dhex wadan karin gudaha magaalada.

Wuxuu xusay inay diiwaan-geliyeen inta badan hubka yaalla magaalada, ayna ku rajo weyn yihiin inay dhowaan soo gabagabeyn doonaan diiwaan-gelinta inta harsan.

Maamulka degmada ayaa horey u mamnuucay in hubka lagu dhex qaato magaalada, isagoo ku amray diiwaan-gelinta hubka ilaalada gaarka loo leeyahay ee hay’adaha samafalka ee ka howlgala gobolka.

Farxaan wuxuu sheegay in horumar laga dareemayo ammaanka magaalada.

Wuxuu ka codsaday dowladda Soomaaliya inay ka gacan siiso maamulka degmada mushaharaadka ciidanka iyo qalabeyntooda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com