Al-Qaadi “Maamul Usameynta Gobolada Koonfureed Cid Gaar Ah Malaha”.

0

Al-qaadi-okGarbahaareey (AGGM): Sheekh Maxamed Xuseen Al-qaadi Afhayeenka Ahlusunna ee Maalintii shalay Garbahaarey heshiiska kula gaaray Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa waxa uu ka hadlay Arrimo ay ka mid yihiiin Heshiiskaasi, Maamul usameynta Gobolada Koonfureed, Maamulka loo Magacaabay Gedo iyo dib u xureynta Goboladaasi.

Al-Qaadi oo isagoo ku sugan Garbahaarey la hadlayay Warbaahinta ayaa sheegay in ay dhaqan gelin doonaan Heshiiska, ay la galeen Madaxda Dowlada, isla markaana ay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan Kooxda Al-shabaab, si ugu saaraan dhamaan qeybaha ay kaga sugan yihiin Gobolada Koonfureed ee dalka Soomaaliya.

Mar uu soo hadal qaaday Maamul usameynta Gobolada Koonfureed ee dalka soomaaliya ayuu sheegay in aysan jirin cid si gaar ah u leh in ay Maamul usameyso Gobolka, wuxuuna hoosta ka xariiqay in maamul u sameynta Goboladaasi ay leeyihiin ummadda Soomaaliyeed ee ku nool goboladaasi.

Afhayeenka Ahlusuna oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay iney soo dhaweynayaan maamulka cusub ee shalay loo magacaabay gobolka Gedo wuxuuna tilmaamay in ay ula shaqeyndoonaan si hagar la’aan ah.

Shalay ayeey aheyd markii dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Culumaa’udiinka Ahlusuna ay heshiis ku kala saxiixdeen magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com