Raysalwasaare Saacid Iyo Wafdigiisi Oo Dib Ugu Soo Laabtay Magaalada Muqdisho.

0

IMG_5463 (2)Muqdisho (AGGM): Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon iyo wefdigii uu hoggaaminaayey ayaa dib ugu laabtey maanta (Isniin) magaalada Muqdisho, kadib safar dhanka cirka ah oo ay maalintii shalay ku tageen xarunta gobolka Gedo ee Garbahaarey.

Raysalwasaaraha ayaa ka hor inta aanu ka soo tegin Garbahaarey maamul kumeel-gaar ah u magacaabey gobolka Gedo, waxaana uu guddoomiye kumeel-gaar ah ka dhigey Maxamed Cabdi Kaliil oo horey ugu magacaabnaa Guddoomiye ku-xigeen, Kaliil ayaa lagu xasuustaa sidii weyneyd ee uu uga soo horjeestey shirka maamulka ay ku wada dhisanayaan Gobolda Jubbooyinka iyo Gedo ee Kismaayo ka socda.

Raysalwasaaraha ayaa sidoo kale kulan la qaatey madaxda Ahlu-sunnah oo awood ciidan ku leh gobolkaas isla markaana gacansaar la leh Itoobiya, waxaana ay wada saxiixdeen heshiis kaas oo Wasiirka Gaashaandhugu u saxiixay xukuumadda halka ahlu-Sunnah uu u saxiixey Sheekh C/raxmaan Al-qaadi.

Raysalwasaaraha ayaa gobolo badan safar ku bixiyey, waxaana laga sugayaa Goblka Baay kaas oo ah kan keliya ee u dhiman goobaha laga saarey Kooxda al-Shabaab, waxaana gobolkaas ka taagan khilaaf ka dhashey isbedel maamul oo Dowladdu u samaysey.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com