AMISOM Oo Sheegtay Inay Dilleen Horjooge Sare Oo Ka Tirsanaa Falaagada Al Shabaab.

0

African-Union-Mission-in-Somalia-AMISOMMarka (AGGM): Sarkaal ka tirsan xafiiska warfaafinta AMISOM oo lagu magacaabo Major Hennery Obbo  aya warbaahinta u sheegay in howlgal ay ka sameeyeen qeybo  ka mid ah gobolllka Shabeellaha hoose ku dilleen sarkaal sare oo ka tirsanaa falaagada argagixisada ah ee Al-shabaab.

Waxaa uu sheegay sarkaalka u hadllay AMISOM in horjoogaha ay dilleen lagu magacaabi jiray Max’ed Abuu Saciid kaasi oo ahaa sida uu sheegay in uu ahaa taliyihii A-shabaab ee ka howlgala inta u dhexeysa Bay iyo Sh/Hoose.

‘’Waxaan howlgal ku dillnay sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab iyo dhamaan ilaaladii la soctay, sidoo kale waxaa la wareegnay Darreys iyo hub ay ka carareen kooxda Al-shabaab ayuu yiri sarkaalka u hadllay AMISOM.

Hennery Obbo ayaa intaasi ku daray in sarkaalkaan ay ku dileen meel  70 KM u jirta magaalada Muqdisho isagoo sheegay in ammaanka gobolka Shabeelaha hoose ay soo hagaageyso.

Horay ayeey Al-shabaab guul uga sheegteen dagaallka ka dhacay gobollka Shabeellaha hoose u dhaxeeya xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada dowladda oo garab militari ka hellaya AMISOM.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com