Wafdi Balaaran Oo Uu Hogaaminayo R/wasaare Saacid Oo Gaaray Magaalada Garbahaarey.

0

IMG_2191Garbahaarey (AGGM): Wafdi uu horakacayo ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax ShirdoonSaacid ayaa goor dhaw gaaray magaalada Garbahaarey ee gobollka Gado, halkaasoo uu kulamo kula yeelan doono maamulka gobollka iyo qeybaha bulshada.

Wafdiga ra’iisul wasaaraha oo isugu jira wasiirro iyo xildhibaanno ayaa waxaa lagu wadaa inta ay ku sugan yihiin degmada Garbahaarey inay la kulmaan waxgaradka deegaanka, maamulka gobolka iyo qaybaha kale ee bulshada.

Booqashadan oo aan la ogeyn inta ay qaadan doonto ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo ra’iisul wasaaraha uu shalay booqasho maalin ah ku tagay degmada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe, isagoo sidoo kale sii maray soona maray degmada Balcad ee isla gobolkaas.

Gobolka Gedo ayaa noqonaya gobolkii saddexaad oo uu ra’iisul waasaaraha Soomaaliya booqasho ku tago muddo toddobaad gudihiis ah, isagoo horay u booqday gobollada Jubbada Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Wararka laga helayo degmada Garbahaarey ayaa waxay sheegayaan inuu ka socdo diyaargarow xooggan oo lagu soo dhaweynayo ra’iisul wasaaraha, iyadoo la xiray goobaha ganacsiga, sidoo kalena la adkeeyay ammaanka guud ee degmada.

Maalintii shalay ayeey aheyd markii ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya uu safar ku tagay magaalada Jowhar ee xarunta gobollka Shabeellah dexe oo uu kulamo kula qaatay maamulka iyo qeybaha bulshada gobollkaas.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa socdaallada uu ra’iisul wasaaruhu ku bixinayo gobollada dalka waxay ku tilmaameen inay caddeyn u tahay sid ay uga go’an tahay xukuumadda Soomaaliya inay dalka isbedel ka dhaliso.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com