R/wasaare Saacid Oo Booqanaya Magaalada Garbahaarey Ee Gobolka Gedo.

0

IMG_3102 (2)Muqdisho (AGGM):Raysalwasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon oo weli ku jira safarkiisi uu gobolada ku kala bixinaayey yaa maanta tegay xarunta gobolka Gedo ee Garbahaarey.

Raysalwasaaraha wefdigiisa waxaa ka mid ahaa qaar kamid ah golihiisa wasiirada iyo xildhibaana, waxaana ay Garbahaarey ku tageen diyaarad.

Safarka Raysalwasaaraha ayaa lagu sheegay in uu yahay mid ay ugu kuurgelayaan xaaladda gobolka isla markaana dadka ay ugala tashan lahayeen dhismaha maamulka gobolka iyo in ay ogaadaan xaalada dhabta ah ee goboladaas.

Raysalwasaare Saacid ayaa horey u booqdey Gobolada Shabeelada Hoose, Hiiraan, Galguduud, Shabeelada Dhexe, Jubada Hoose, Gobolada Puntland ka taliso, iyo maamulka Galmudug.

Raysalwasaare Saacid oo la magacaabey Bishii Okroober sanadkii 2012 ayaan noqonaya Raysalwasaarihii ugu hioreeyey ee 21 sano kadib booqasho intaas le’eg ku sameeya gobolada, waxaana xusid mudan tan iyo markii xafiiska loo dhiibey raysalwasaaruhu marna uma bixin safar dibadda ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com