Cambaareyn Ku Aadan Shir Ka Dhacaya Xaafada Tukwila Ee Washington State.

0

BAAQ  IYO CAMBAARAYNSeattle (AGGM): Waxaan ugu baaqayaa Dadweynha ku nool Washington State gaar ahaan dadka dagan Tukwila in aysan ku qaldamin Shir beeleedka ka dhacay Foster high school maantey oo ay taariiqdu tahay 03/31/13 oo Axad ah.

Shirkaas ma’aha mid ka tarjumaya maamulka Jubbaland ee waa mid lagu Marin habaabinayo Dadka walaalaha ee jecel maamul u sameynta jubbooyinka.

Waxaan beelaha Soomaaliyeed ee wada daga jubbooyin  kuna sugan washington state ugu baaqayaa in ay ka hor tagaan ama isku meel  uga soo wada hor jeestaan dadka ku qaraabanaya magaca jubbooyinka kuwaas oo ah koox beeleed dano gaar ah leh.

Hadaba waxaan u digaynaa kuwa sida xun wax ku raadinaya isla markaasna sida gaarka wax kuwada in ay ka waan toonbaan riyo beeneedka ay ku jiraan.

Waxaan kale oo ugu baaqaynaa in ay dadkooda dhinaca karaacaan si loo gaaro xal guud oo Umadda oo dhan dan u ah.

Amir Alanle

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com