Saymo Colaadeed oo Kismaayo Dulhoganaya. W/Q.Suldaan Ali Abdulaahi Hassan

0

 

imgresDadka Soomaliyeed ayaa waxay waayo-aragnimo kufilan kaheleen dagaaladii iyo colaadihii soojiitamayey mudada dheer,waxaana Dagaalada intooda badan saldhig u ahayd Qabweyni Qabiil,Quursi,Damac aan loo meeldeyin,iyo Weliba Tanasulaad la,aanta Siyaasiyiinta soomalida.Midka tanaasulaana wuxuuba isku arkaa Doqon laga adkaaday Qoyskiisuna Waxayba u bixinayaan Magac aanu qaadi karin.

Colaada oo lasaadiyaahi waa arin aan fiicnayn balse mar-mar ayaa dantu kugu kalifaysaa markaad aragto Tanasul-la,aanta Siyaasiyiinta Soomalida.Waxay Sanadkii 1992 Bishii Nov,markii Madaxweyne Ali Mahdi Mohamed & Gen. Mohamed F Aydiid Ay dagaal fooda isku dareen Magaala Madaxda dalka Soomaliya ee Muqdisho ,oo ay kunoolayen ugu 2.5 Milyan Qofood.

Balse midkoodna uusan waxba kabedelin mowqifkiisa iyo damaciisa siyaasaded,kuna dhiiraday inuu xoog kumaquuniyo cidkasta oo kahortimaada, waxayna arintu kusoo gebagebowday Geeri,dhaawac,bur-bur,& Barakac.

Arimaha Gobolada Jubooyinka ayaa waayahan waxay u muuqdaan kuwa aan layskaga tanasulayn, koox walibana waxay sidataa Qumanaheeda,waxaana aan la ilaabi karin caruurtii soodhawaysay Raiisulwasare Saacid, ereyadii kasoo baxayey oo Xambaarsanaa dareen & Shucuur anigu aan ilmeeyey ,maxaa yeelay 22 sano caruurta soomaliyed maysan helin cid ay dhibaatadooda u sheegtaan.Ereyada laabtayda kiciyey waxay ahaayen dadku waa dadkaadii oo daacad kuuqaba.

Maalmo kahor ayey caruurta Dhigata dugsiyada qaar ee dalkan Sweden waxay codsanayeen inay lakulmaan Raiisulwasaraha dalka si ay ugu sheegaan cuntada iskuulada oo dhadhanku xunyahay qaarkeed. Hadaba Madaxda Soomaalidu waa inay u tanaasushaa Dadka Shacbiga ah iyadoona aan fiirinayn Xirfadaynta siyaasiyiinta Damaca waalan.

Waxaana waxgaradka soomaliyed ku boorinaynaa inay kahor tagaan colaad xiligaan laga abaabulo Gobolada dalka Qaarkood ,waxayna arintaasi u danaynaysaa kuwa aan kutilmaami karo mashexayaasha oo aan ula jeedo ururka Alqaacida & Alshabaab.Sidoo kalena waxaan Maamulka DFS xasuusinayaa inay dulqaadka iyaga laga rabo ee aan xiligaan Dulqaad laga rabin Jabhada Raaskaamboni.

Sheekh Ahmed Islaam Gudomiyaha Maamulka KMG ee Kismaayo waxaan talo ugu soojeedinaynaa Ragii isku tanasuli-Waayey waan aragnay wixii ay dhaxleen ee Shacbiga Kismaayo waa inay Cududaada & Carabkaada Mahadiyaan Maanta.

Eebe -weyne waxaan waydiisanaynaa inuusan Kismaayo iyo dhammaan ciida Soomaliya Colaad danbe kusoocelin, dalkeenuna uu noqdaa Beled Aaamin ah Barwaaqo ah, dadkiisuna ay kusoo laabtaan.

Suldaan Ali Abdulaahi Hassan
Sweden / Västerås

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com