Xog Lahelay: Cabdi Iley Iyo Faroole Oo Kismaayo Ku Wajahan.

0

abdi-iyo-farooleGaroowe (AGGM): Warark ay sida hoose ku heleeyso shabakada Allgalgaduud Media ayaa waxa ay sheegayaan in Cabdi Maxamuud Cumar ” Cabdi iley”, iyo Faroole ay gaarayaan magaalada Kismaayo.

Xog ogaal  ka gaabsaday magaciisa oo ku sugan gudaha magaalada Garoowe ayaa xaqiijiyay in maalmaha soo socda  la dhowrayo in labada wafdi Puntland iyo Kilinka 5aad ay soo garaan magaalada Kismaayo.

Si kastaba ahaate arintan ayaa ku soo aadeysa kadib marki maamulka maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee Kismaayo iyo dowldda Soomaaliya ay kala boodeen iskuna afgaran wayeen qaabka loo wajahayo maamul sameynta jubooyinka kadib markii dowldda Soomaaliya ay ka biyo diiday waxaan waafaqsaneen dastuurka dalka u yaal inaysan taageerayn amaba soo dhaweeynayn wax aysan doonayn ama taageersaneyn dadka ku dhaqan gobolada Jubbooyinka.

Isku soo wada duuboo dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay ka war dhoowraysaa mudo 3 maalmood ah oo ay qabsadeen horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni oo ay ka hartay 2 maalmood.

abdi-iyo-faroole

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com