Warsaxaafadeed: Ra'iisal Wasaaraha Oo Ka Warbixiyay Natiijada Wadahadaladii Kismaayo.*Daawo Sawirada + Dhagayso*

0

SAM_0834 (2)Muqdisho (AGGM): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdigii ballaarnaa ee uu hogaaminayay ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, waxa uuna warbaahinta uga warbixiyay natiijada wadahaladii Kismaayo iyo kulamadii kale ee uu la qaatay qeybaha bulshada ee Kismaayo.

Ra’iisal Wasaaraha oo ka hadlayay natiijada wadahaladii Kismaayo ayaa yiri.
“Mudadii koobneyd ee aanu joognay Kismaayo waxaanu ka gun gaarnay ujeedadii safarka yaga, waxaana si dhab ah u dhegeysanay una ogaanay xaaladda dhabta ah ee dadkeena, waxaanu gaarsiinay fariinta dhabta ah ee ay dawladu u waday, waxaana ogaanay in dadka iyo dawladda xiriir wanaagsan ka dhaxeeyo, raalina ka yihiin imaatinka dawladda” ayuu yiri wuxuuna xusay inay ku camal fali doonaan dhaqangelina doonaan fariimaha shacabka.
Maamulka Kismaayo
“Si kooban hadaan u taabto waxyaabihii aanu ku soo aragnay, Kismaayo waxaan ka jira maamul si deg deg ah loo sameeyey, markii dadkii nabadiidka ahaa laga saaray, waana u kuurgalnay, waxaana la shaakeystay guddoomiyaha iyo kuxigeenkiisa, sida uu u dhisan yahay iyo waxyaabo badana waan u kuurgalnay, waxaana noo soo baxday inuu u baahan  yahay in muddo gaaban gudaheeda si dhameystiran dib loogu eego, raali ayaanse ka nahay” ayuu mar kale yiri isaga oo ka hadlayay dhanka maamulka.
Shirka Kismaayo
“Waxyaabaha kale ee aanu ku soo aragnay Kismaayo, waxaa ka mid ahaa, shirweyne ka socda Kismaayo oo ay qaban qaabiyeen dad Soomaaliyeed oo runtii iskood u dadaalay, shirweynahaas danta ay u qal qaaliyeen markii aanu dhegeysanay waxay noogu sheegeen inay  ku dhisaan maamulka Jubba land oo mustaqbalka la filayo, runtiina waan u kuurgalnay waanu dhegeysanay, dabcan waxaan bogaadineynaa marka dhibaato timaado qaabka loo wajahayo inay tahay qaab dadka ka bilowda, kana tashado aayahooda, hase yeeshee waxaan si cad ugu sheegnay dadweynaha iyo madaxda Kismaayo qaarkood, in xalka laga doonaa dadka gudihiisa ay qumantahay.
“Qaabka shirka loo diyaarinayay in aysan waafaqsaneyn sida maamul goboleedyada aanu fileyno in Soomaaliya oo dhan ay ka sameysmaan sidii loogu tala galay, marka aan sidaasi leeyahay, waxaan uga danleeyahay, marka la sameynayo maamul goboleedyada, waxaa iska leh hogaaminta Dowladda, iyada ayaana iska leh xaqiijinta sida loogu dhanyahay, laakiin go’aan ka gaarida dadka ayaa iska leh” ayuu yiri R.wasaaraha oo intaasi raaciyay.
“Shirkaas waxaa ka maqnaa wax badan oo ay ka mid tahay shuruuc, dawrkii dowladda iyo xaqiijinta” ayuu mar kale yiri isaga oo tilmaamay in shirkani ay qeyb ka yihiin dad wanaagsan oo dowladnimo doonaya, balse aysan qaabkan aheyn sida lagu gaari karo xalka.
“Shirkaas waxa ka soo baxaya ma noqon doono mid gaarsiiya shacabka maamul rasmi ah oo la aqoonsado, maadaama bilowgiisa uusan waafaqsaneyn Dastuurka”.
“Waxaan soo jeedinay in shirkaasi lagu wareejiyo dawladda, si ay u waafajiso  talaabooyinkii loo baahnaa ee lagu gaari karo dawlad goboleed, muddo inta ay ka saxmayaan shuruudahana loo badalo shirka dib u heshiisiin, maadaama taariikhda gobolada Jubbooyinka la fiiriyo dadku u baahan yahay dib u heshiisiin dhab ah”.
“Maanta markii aan soo tagaynay, waxay maamulku codsadeen in la siiyo muddo saddex berri gudahood ah ay jawaab cad bixin doonaan, laakiin anigu markaan eegay duruufaha faraha badan ee muuqda, waxaan soo jeediyay in xittaa 20 cisho haddii ay qaataan in aysan dhib aheyn, laakiin iyagaa qabsaday saddex cisho waana ka dhursugeynaa” ayuu yiri R.wasaare Saacid.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Kismaayo jooga
“Kismaayo waxaan ku soo aragnay qeybo ka tirsan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, oo qeyb weyn ka qaatay sidii looga sifeeyay nimankii caddowga ahaa ee heysan jiray gobolka, runtiina waxay ku noolyihiin duruufo adag, muddo dheerna aanan wax mushaaraad ah qaadan, aadbaana ugu heynaa qalbi wanaagsan, duruufta ay ku shaqeeyeen mid aad u adag ayayna aheyd, waxaana jecelnahay inaanu uruurino, una fududeyno sida ay waajibaadkooda u gudan lahaayeen”.
Ciidanka AMISOM ee Kismaayo
“Kismaayo waxaa jooga ciidanka AMISOM, oo qeyb ka qaatay xoreynta goboladaas, isaga oo kaashanaya ciidamadeena, waana u mahad naqeynaa, joogistoodana waa dawr loo baahnaa, waxna kama qabno inay maamulkaasi la sii shaqeeyaan, inta uu ka imaanayo maamul sal balaaran”.
Dadka reer Kismaayo
“Waxaan rabaa inaan cadeeyo, inaanu maqsuudka nahay sidii Kismaayo  naloogu soo dhoweeyey, iyo sidii naloo soo sagootiyay, waxaana noo xaqiiqowday in dadka Kismaayo ku nool oo duruuf adag iyo taariikh dagaal sokeeye soo maray inay diyaar u yihiin inay dawladdooda daba istaagaan oo ay qeyb ka qaataan horumarada socda”.

Ugu dambeyntiina, ra’iisal wasaaraha ayaa xusay inuu sii wadi doono safarada ay xukuumadiisu ku kala bixineyso gobolada dalka, si ay ugu kuurgalaan xaaladdaha nolol, siyaasad, amni, dhaqaale iyo horumar ee bulshada Soomaaliyeed.[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/03/R.Wasaare-Saacid-Shirka-jaraaid-ee-Wadahadalada-Kismaayo-March-29.2013.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]IMG_5446 (2)IMG_5467 (2)IMG_5436 (2)IMG_5463 (2)IMG_5543 (2)

IMG_5502 (2)

 

Garad Salad Hersi
Press officer
Mogadishu, Somalia

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com