Wararka Ugu Dambeeyay Iyo Xaalada Magaalada Kismaayo.

0

top newsKismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ay gabi ahaan gadiidkoodi dagaalka iyo maleeshiyadoodiba kala baxeen gudaha magaalada isuguna geeysteen xarunta madaxtooyada.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in magaalada ay ka jiraan dhaq dhaqaaqyo ciidan  oo iyaguna ay wadaan ciidamada guutada koowaad ee dowladda Soomaaliya ee dhawaan badalka uga yimid dhinaca gobolka Gedo.

Ciidamada guutada koowaad ayaa waxa ay maanta barqanimadii soo galeen gudaha magaalada waxa ayna fariisimo ka sameeysteen xarunti warshada hilibka iyo halka loo yaqaano boqolka guri.

Horjoogeyaasha Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa waxa ay dhagaha ka fureesteen awaamiirta ay dowladda Soomaaliya u soo jeedisay,

Dhinaca kale odoyaasha dhaqanka, waxgaradka, siyaasiyiinta iyo qaybaha kale ee bulshada ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa waxa ay ka soo horjeedaan fikirka guracan ee horjoogeyaasha Raaskambooni, waxa ayna walwal ka qabaan in ay ka dhacaan magaalada Kismaayo dagaalo faraha looga gubtay oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Isku soo wada duuboo magaalada Kismaayo ayaa waxa horey gacanta ugu heyn jiray maleeshiyada falaagada Al Shabaab, haddana waxba kama ay duwana gacan ku haynta maleeshiyo beeleedka Raaskambooni oo inta aysan isku khilaafin dhaqaalaha kasoo baxa dekeda magaalada Kismaayo ka tirsanaan jiray falaagada argagixisada ah ee Al Shabaab.

Cabdi Faarax Saciid
Kismaayo, Soomaaliya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com