War Deg Deg: R/wasaare Saacid Iyo Wafdigiisi Oo Hadda Ka Duulay Garoonka Diraadaha Magaalada Kismaayo.

0

IMG_5090 (2)Wararka hadda naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in R/wasaaraha Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon uu hadda ka duulay garoonka diyaardaha magaalada Kismaayo.

R/wasaaraha ayaa safarkiisa shaqo ee maalmahan uu ku joogay magaalda Kismaayo maanta soo gaba gabeeyay isagoo dib ugu laabtay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in dhawaan R/wasaare Saacid uu shir jaraa’id ku qaban doono magaalada muqdisho uu uga warbixinayo waxii uga qabsoomay safarkiisa shaqo ee uu ku tagay magaalada Kismayao, halkas oo uu kulamo kula qaatay qeeybaha bu;shada ee ku dhaqan magaaladaasi.

Isku soo wada duuboo waxaa si weyn loo dhoowrayaa shirka jaraa’id ee uu qaban doono R/wasaaraha Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon.