R/wasaare Saacid Iyo Wafdigiisi Oo Magaalada Muqdisho Gaaray.

0

saacid44Muqdisho (AGGM): Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaal-ka ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dib ugu noqday magaalada Muqdisho, kaddib muddo toddobaad ku dhow oo ay booqasho ku joogeen magaalada Kismaayo.

Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa maalmihii la soo dhaafay wada-hadallo la lahaa maamulka KMG ah ee magaalada Kismaayo oo ay ka wada-hadlayeen arrimo ay ku jiraan maamul u samaynta gobollada Jubbooyinka, dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee Kismaayo, dib u xoraynta deegaannada wali gacanta ugu jira al-Shabaab.

Wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda Cabdikariin Xuseen Guuleed oo xalay shir jaraa’iid ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay ka tanaasushay waxyaabo badan oo ay labada dhinac ka wada-hadleen, balse ay jiraan qodobbo dastuuri ah oo ka tanaasuli waysay.

War rasmi ah oo ku saabsan natiijadii shirkii Kismaayo ma uusan ka soo bixin dowladda iyo maamulka KMG ah ee Kismaayo, in kastoo wasiirka arrimaha gudaha uu sheegay in dowladda ay war-saxaafadeed ka soo saari doonto.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com